SOMCABLE

Shil Baabuur Oo Sababay Isku Dhaca 44 Baabuur !

Guud ahaan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa maalintii shalay aheyd ku habsaday
Darruuro aad u badan oo hadheeyay sammada dalkaasi.
Darruurahaasi tirada badan ayaa waxay sababeen shil baabuur oo lagu tilmaamay inuu
ahaa shil aan la arag mid la nooc ah, shilkani ayaa waxa uu sababay isku dhaca 44
baabuur oo marayay jidka isku xidha magaalooyinka Abu-dabai iyo Dubai.
Isku dhaca baabuurtaasi ayaa waxa uu ka bilaabmay kadib markii ay laba gaadhi isku
dhaceen, intaasi kadib ayey baabuurtii kale isku wada dhaceen waxaanay ciidammada
nabadgalyada waddooyinka ee dalkaasi eeda saareen wadayaasha baabuurtaasi oo
daawanayay labadaasi baabuur.
Ciidammada nabadgelyada waddooyinka dalkaasi ayaa waxay sheegeen sidoo kale in aan
si dhab ah loo haynin tirada dadka waxyeeladu ka soo gaadhay shilkaasi, waxaanay
sheegeen inay wadaan baadhitaano ay arrintaasi ku ogaanayaan.

Leave a Reply