SOMCABLE

Shaqo La’aanta Baahsan Ee Ka Taagan Dalka Iran Oo Saameysay 42% Ka Mid Ah Aqoonyahanada Dalkaasi !

Dadka u dhashay Dalka Iran ayaa waxa ka taagan shaqa la’aan baahsan oo la sheegay in aan nooceeda hore loo arag.

Dadka ugu badan ee shaqo la’aantani ay soo waajahday ayaa waxay tahay aqoonyahanada ka qalin jabiyey Jaamacadaha iyo Macaahida Dalkaasi, 42% dadka ay shaqa la’aantu hayso ayaa waxay yihiin Aqoonyahanada u dhashay Dalkaasi.

Wakaaladda Wararka ee Esna àyaa qaybteeda Afka Faarisiga ah ayaa waxay baahisay hadalo ka soo yeedhay masuul ka tirsan hay’adda shaqaalaha dalkaasi Iran oo magaciisa la yidhaahdo Siciid Namki oo arrintaasi qiray isla markaana waxa uu sheegay in Xukuumadda Dalkaasi ay Miisaaniyad aad u badan u diyaarisay sidii ay aqoonyahanadaasi shaqo u heli lahaayeen isla markaana loo samayn lahaa tababbaro kala duwan.

Siciid Namki oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxbarashadii ay aqoonyahanadani barteen waxay xukuumadda kaliftay dhaqaale aad u badan, sidaa awgeed waxa loo baahanyahay in dhibaatadaasi xal degdeg ah laga gaadho waxaana muhiim ah in tirada aqoonyahanka ah ee aadka u badan aanay Dalka Debadiisa u bixin oo aanay u shaqo doonan”.

Leave a Reply