SOMCABLE

SANAAG: Booyaddii Daamurka Ee Dhismaha Jidka Burco & Ceerigaabo Oo Ku Shuf-beeshay Dab Ka Kacay Shalay

Kal-sheekh, 7 Meey, 2018 (Himilo) – Booyaddii Daamurka ee qaybta ka ahayd Gaadiidka lagu dhisayo Waddada Burco iyo Ceerigaabo, ayaa Shalay gubatay isla-markaana Shuf-beeshay.

Booyaddan oo ahayd tii keli ahayd ee Shaqaalaha Wada dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco u dhaxaysa u adeegsanayeen Daamurka la dhigayo Jidkaasi, ayaa gubatay, ka dib markii uu wada gaadhay Dab sida la sheegay Booyadda gudaheeda ka dhashay.

Telefiishanka Bulsho ayaa baahiyey Muuqaalka Booyadda oo ku shuf-beeshay Gudaha xerada la dhigo Gaadiidka lagu wado dhismaha Waddada Ceerigaabo, xeradaasi oo ku taalla deegaanka Kal-sheekh ee Gobolka Sanaag.

Nin sheegay inuu yahay Masuulka Hawl-geliya Shaqaalaha Daamurka oo la hadlay Telefiishanka, ayaa ka warramay siday Booyaddu u gubatay, waxaanu yidhi “Waxaan ahay Masuulkii hawl-galinayey Shaqaalaha Daamurka, markaa Shil baa si fudud nagu helay oo Booyadda ayaa dab ka dhalisay Gudaheeda, markaa wax dam-damis ahna maanu haynin, Booyad kalena namay ag-joogin..”

Dabka ayaan booyadda waxba ka reebin oo baa’biiyey, waxaana Muuqaallada laga soo duubay muujinayaan in Dabku uu booyaddaa ka reebay oo keliya Qalfoofkii Booyadda.

Weriyeyaal halkaa gaadhay markii Booyaddu gubatay ayaa sheegay in xilliga Booyaddu gubanaysay aanay jirin Cid isku dayday inay bakhtiiyaan, maaddaama oo dabka Booyaddan baa’biiyey uu sidoo kalena khatar ku ahaa Cagafyada kala duwan iyo Gaadiidka waaweyn ee Ciidda lagu qaado oo laftooduna halkaasi yaallay.

Maamulka dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco oo la sheegay in gubashada Booyadda ka dib inay halkaa gaadheen, ayaan ka hadal khasaaraha dabkaasi sababay.

Leave a Reply