SOMCABLE

“Saddexda Xisbi Inay Doorasho Galaan Waa Loo Baahan Yahay Ee Haddii Uu Xisbi Diido Oo Uu U Diido Waxaanu Sharci U Lahayn, Maxaa…”-Samaale

Xisbiyada Ucid Iyo Kulmiye Oo Mar Kale Kulan La Yeeshay Guddiga Doorashooyinka

Hargeysa, 28 Apr, 2019 (Himilo)-Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye oo mar kale kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, isla markaana sheegay inay ka wadahadleen oo ay isku afgarteen hawlaha Doorashada iyo Diwaangelinta.

Kulankan oo saddex geesood ahaa oo ay wada yeesheen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa shalay lagu qabtay xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa, kulankaasi ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta uga warramay Masuuliyiin ka tirsan labadaasi Xisbi.

Ugu horreyna, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Ucid Mudane Cabdinaasir Yuusuf Qodax ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey kulanka ay Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye la yeesheen Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo waxyaalihii ay kaga wadahadleen, waxaanu yidhi, “Waxaanu maanta iyo maalintii hore ba aanu ka wadahadalnay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, sidii hawsha Doorashooyinka iyo Diwaangelinta loo dardar gelin lahaa oo waqtiga yar ee hadhay looga faa’iideysan lahaa oo dib-u-dhac dambena aanay doorashooyinka aanay ugu iman maanta ayey si fiican noogu soo gabagabowday”. Waxaanu intaasi uu ku daray, “Waxay noo sheegeen Komishanku wax badan oo farsamo aheyd inay dhameystireen oo ku saabsan seerfarka iyo diwaangelinta oo khubaro uga yimaadeen Caalamka oo kala shaandheyntii iyo dadkii ku celcelinta codeynta oo runtii ku dhawaa 30,000 inay kaadhadhkii u diyaariyeen, waxaanay noo sheegeen in 160,000qof oo berrigii dhaweyd kaadhadhku ka habsaameen inay diyaariyeen”.

Dhinaca kalena, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Madaxda Xisbiga Kulmiye ayaa isaguna ka warramay ujeedada kulankani iyo natiijadiisa ba, “laba Xisbi ahaan Kulmiye iyo Ucid waxaan ugu nimi Komishanka go’aanada ay labada Xisbi soo wada gaadheen oo khuseeya doorashooyinka oo lagu muransanayn inay inoo qabsoomaan 12ka bisha laba iyo tobnaad ee sanadkan oo cid diidani aanay jirin, sidii ay u dhabboobi laheyd oo runtii cid waliba intii ka khusaynaysay ay hawsheeda qabsato ayaa ugu muhiimsaneyd oo waanu isla afgaranay Komishanka”.

Intaasi kadibna, Samaale ayaa la weydiiyey suurtogalnimada inay doorashadu qabsoonto iyadoo Xisbiga Waddani uu qaadacay, balse labada xisbi ee kale heshiis ka gaadheen, waxaanu ku jawaabay, “Xisbiga Waddani waa Xisbi Qaran oo xaq ayuu u leeyahay go’aamada uu qaadanayo, Annagunu Xisbiyo Qaran ayaanu nahay oo xaq ayaanu u leenahay go’aamada aanu qaadanayno oo waanu ku ixtiraamaynaa go’aankooda, laakiin iyaga ayaa la rabaa inaad weydiisaan Xisbiga Waddani wuu ogolyahay inay doorashooyinku dhacaan 12ka bisha diisambar ee maxaa kaa qaldan”.

Sidoo kale, Cabdicasiis Samaale waxa la weydiiyey inay baal mareen dastuurka dalka oo  sheegaya in saddexda Xisbi ay doorasho gali karaan iyo sharcinimada in Komishanku go’aan la qaato laba Xisbi oo keliya, waxaanu Samaale ku jawaabay, “Saddexda Xisbi inay doorasho galaan waa loo baahan yahay ee haddii uu Xisbi diido oo uu u diido waxaanu sharci u lahayn, maxaa laga yeelayaana waxay tahay in la weydiiyo Xisbigaasi, Annagu Waddani u diidi meyno doorasho oo inuu galo ayaanu jecelnahay oo waa Xisbi Qaran, laakiin Waddani haddii uu diido inuu doorasho galo oo aan isleeyahay ba diidi maayo taa isaga ayaad weydiin kartaan, waayo doorashadii way inoo muddeysan tahay oo in la galo weeyi, qofka yidhaa gali maayo waa in isaga la weydiiyaa, laakiin annagu u diidi mayno, Waddani na inuu galo ayaanu jecelnahay oo doorashadu in aanay dib u dhaafin 12-ka Bisha Diisambar ayaanu doonaynaa, Xisbi na Komishan uma hadlo ee Komishanku hawshiisa ayuu ka hadlaa oo Xisbi waliba hawshiisa ayuu ka hadlaa oo anigu Waddani iyo Komishan kama wakiil ihi”. Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale

Ugu dambayntii, waxaynu la soconaa in toddobaadkii hore si wada jir ah ay labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid heshiis uga gaadheen qabsoomida doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka, laakiinse uu Xisbiga Waddani uu daadifeeyey heshiiskaasi, sidaasi awgeedna uu mar kale dib u curtay muranka iyo ismaan dhaafka qabsoomida doorashooyinka ee u dhaxeeya saddexda Xisbi Qaran, taasina ay noqon karto haddii aanay ka wadahadal oo xal ka gaadhin mid carqaladaysa doorashooyinka oo u muddeysan inay dalka ka qabsoomaan 12/12/2019.

Haddaba, kulankan iyo natiijada ka soo baxday ayaanay ka hadal Xisbiga Waddani.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply