SOMCABLE

Ruushka: Teleefanka Gacanta Oo Gallaaftay Nolosha Gabadh U Dhalatay Dalkaasi !

Teleefanka Gacanta ayaa waxa  uu gallaaftay Nolosha Gabadh yar oo 26 jir aheyd oo u Dhalatay dalka Ruushka, Gabadhan ayaa waxa meydkeeda laga helay suuliga gurigii ay deganayd, balse markii la baadhay ayaa la ogaaday sababta ay u geeriyootay.

Sababta Gabadhani u geeriyootay ayaa waxa ay dhakhaatiirtu ku sheegeen in ay tahay teleefankeedii gacanta oo ku dhex dhacay biyihii ay ku meydhanaysay isla markaana uu Teleefanka dabka ku jiray.

Gabadhan ayaa waxa ay ka shaqeyn jirtay shirkad ku taalla Dalkaasi waxa aanay aheyd xisaabiye waxa aanay dhakhaatiirtii baadhitaankaasi sameeyay ay sheegeen in biyahaasi ay gudbiyeen dab ama laydh ay awoodiisu dhameyd 220Folt, sidaasi awgeedna ay Gabadhaasi yari u geeriyootay.

Dhacdadan ayaa waxa baraha bulshada ku qaadaa dhigay dadka u dhashsay Dalkaasi waxa aanay noqotay dhacdo argagax galisay dad aad u tiro badan oo teleefankooda Gacanta isticmaala xataa xilliyada ay suulliga ku jiraan waxa aanay arrintaasi noqotay halis ay haboon tahay in laga dheeraado.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply