SOMCABLE

Ruushka oo tijaabiyey Hub Culus oo ay kaga dhinteen khubaradii Nukliyeerka

Mosco, 15 August, 2019 (Himilo)-Shan Injineer oo u dhashay dalka Ruushka oo ka mid ahaa khubarada nukliyeerka ayaa ku dhintay qarax ka dhashay matoorka madfac wayn oo lagu aasay Sarov oo ah magaalo u dhow Moscow ahna meesha lagu sameeyo qeybta sare ee madaafiicda nukliyeerka.

Hay’adda Qaran ee Ruushka u qaabilsan nukliyeerka, Rosatom, waxay sheegtay in khubarada ay tijaabinayeen matoor laga sameeyay nukliyeer. Balse may bixin faafaahin dheeraad oo la xidhiidh dhanka farsamada.

Ruushka wuxuu hore u tijaabiyay gujis ku shaqeeya tamarta nukliyeerka oo loo yaqaano “Burevestnik”.

Laakiin saraakiisha Ruushka may cadeyn hannaanka dhabta ah ee qeybta ka ahaa tijaabadii musiibada isku beddashay ee Khamiistii.

Qaraxa waxa ka dhashay shucaac halis ah oo hawada ku jiray muddo 30 daqiiqo ah kaas oo cabsi geliyay magaalada Severodvinsk oo 40km u jirta heerka tijaabada la sameeyay, waxayna saaran tahay Badda Cad.

Seddax Injineer oo kale ayaa qaraxa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu daweynayaa cusbitaal, sida ay sheegtay hay’adda Rosatom.

Khubarada ku sugan Ruushka iyo dalalka Reer Galbeedka waxay sheegayaan in tijaabada ay noqon karto gantaalka M730 Burevestnik, oo ah mid ku duuli kara biyaha badda hoostooda.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa madfacaas kaga hadlay khudbaddiisii Baarlamaanka ee bishii March 2018. NATO waxay siisay magaca ah SSC-X-9 Skyfall.

Mark Galeotti, oo ah falanqeeye iyo cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute (Rusi), wuxuu sheegay in fidinta nukliyeerka ay keeneyso caqabad weyn oo dhanka farsamada ah.

“Waxaa jiro xawaare iyo xajmi is ka soo horjeeda, iyo halista gantaal leh shucaac xawaare sare ku socda oo gaadhi kara meel kaste ee uu gaadho,” ayuu u shegay BBC.

“Hannaankan cusub wuxuu asal ahaan ka yimid xilligii midowgii Soviet. Birihii daxaleystay ayaa la soo qaatay dib ayaana loo maalgeliyay.”

Ruushka oo ka cadhooday tallaabo uu qaaday Mareykanka, kana baxay heshiiskii Nuclear-ka Ruushka oo tijaabiyay gantaal xambaari kara Nuyuukleer,

Shanta injineer ee dhimatay waa khubaro “hoggaan ah” iyo “geesiyaal” kuwaas oo ka warhayay halista. Waxay horey u sameeyeen tijaabooyiin “si xad dhaaf halis u ahaa”, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Rosatom oo lagu magacaabo Valentin Kostyukov.

Wuxuu madax ka yahay xarunta nukliyeerka ee Sarov – meel sir aheyd xilligii dagaalkii qaboobaa halkaas oo laga maamulayay hubka ka sameysan hydrogen ee Ruushka.

Markii hore, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay matoorka madfaca oo dareere ku shaqeeya, tirada dhimashadana waxay ku sheegeen laba qof.

Ka dib, Rosatom ayaa sheegtay in tijaabadu ay ahayd “isha ganidda shucaacyo isu dhigma” oo laga fuliyay meel gudaha badda ah.

Injineeradu way dhammeeyeen tijaabada, balse si lama filaan ah ayuu dab uga kacay matoorka wuuna qarxay, waxayna ragga ku dheceen badda, sida saraakiisha Rosatom ay sheegeen.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply