SOMCABLE

Russia: Wiil Dhallinyaro Ah Oo Arday Ah Oo Ku Hubeysnaa Baastoolad Oo Rasaas Ku Furay Saaxiibadii !

Dugsi ku yaala Dalka Ruushka gaar ahaan Gobolka Krasnodar ee Koonfurta Dalkaasi ayaa waxa ka dhacday Arrin argagax galisay Arday Dugsi la yidhaahdo Dugsiga 10aad wax ka barata.

Wiil dugsigaasi wax ka barta ayaa baastoolad uu siitay waxa uu ku toogtay Asxaabtiisa qaar ka mid ah waxa aanu ku furay Rasaas, taasi oo dhaawacday shan wiil oo asxaabtiisa ka mid ah.

Wiilkan dhallinyarta ah ee shan ka mid ah asxaabtiisa toogashadaasi ku dhaawacay ayaa waxa uu dhashay sanadkii 2004tii waxa aanu dugsigaasi yimid isaga oo ku hubeysan baastooladaasi waxaanu markii xisaduhu dhammaadeen is khilaafeen asxaabtiisa waxa aanu ahaa khilaafka dhex maray wiilkaasi iyo asxaabtiisa, kaasi oo ka dhashay Lacag ay isku af garan waayeen.

Wiilkan ayaa ka cadhooday khilaafkaasi ka dhex dhashay isaga iyo Asxaabtiisa intaasi kadibna waxa uu bilaabay in uu rasaastaasi ku furo, wiilkaasi ayaa intaasi kadib baastooladii uu sitay waxa uu ku turay meel biyo mareen ah oo u dhaweyd goobta uu falku ku dhacay waxa aanu baastooladaasi u tuuray si uu u qariyo raadka dhibaatada uu geystay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply