SOMCABLE

Rooney Oo Aqbalay Inuu Isagoo Sirkhaansan Baabuur Kaxeeyey

Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa maxkamad ka soo muuqday oo ogolaaday in isaga oo khamri cabsan uu gaadhi waday.

Kabtankii hore ee qaranka England iyo Manchester United ayaa la xidhay ka dib markii ay booliisku istaajiyeen gaadhigiisa oo marayay jidka Wilmslow, xaafada Cheshire, saacadihii hore ee maalintii taariikhdu ahayd, 1 -da Sabtembar.

Rooney_apologised_for_his_unforgivable_lack_of_judgement_after_p-a-135_1505740574660Ciyaartoygan 31 jirka ah ayaa labo sano laga mamnuucay in uu gaadhi wado, waxaana lagu amray in uu bulshada u qabto boqol saacadood oo shaqo aan mushahaar la siinaynin ah, taas oo qayb ka ah 12 bilood oo uu bulshada u shaqayn doono.

Waxaa sidoo kale lagu xukumay in uu bixiyo 170 gini.

War qoraal ah oo uu soo saaray ka dib dhagaysiga xukunka maxkamadda ayuu yidhi ” Markii aan maxkamadda dhagaystay waxaaan doonayaa in aan bulshada ka raali galiyo arrintan aan la iska cafiyi karin ee ah in aan gaadhi waday aniga oo cabsan khamri ka badan intii loo ogolaa darawallada.

 

Maxkamadda ayaa go’aankan gaadhay maalin uun ka dib markii koobaad ee uu dib ugu noqday garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United, tan iyo markii uu dib ugu biiray kooxdiisii dhalaanimo ee Everton.

Manchester United ayaa ciyaartaas 4-0 kaga badisay Everton.

 

Ciyaartoygan ku dhashay Liverpool ayaa xagaagan dib ugu noqday naadiga Everton oo uu yaraantiisii u ciyaari jiray ka hor intii aanu Manchester United ku biirin 13 sano ka hor.

Aabahan oo saddex carruur ah dhalay ayaa ah ciyaaryahanka goolasha ugu badan u dhaliyay xulka qaranka ee England.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland