SOMCABLE

Rio Ferdinand Oo Feedhyahan Noqon Doona

Rio Ferdinand ayaa billaabaya xirfad cusub isaga oo feedhyahan noqonaya, labo sano ka dib markii uu ka fadhiistay ciyaartista kubadda cagta.

Rio-Ferdinand-855938Tallaabadan uu ku dhaqaaqay 38 jirkan waxaa taageeray shirkadda khamaarka ee Betfair, oo warkan baahisay maalintii Salaasadii.

Ciyaaryahanka hore difaaca ugu soo hayn jiray kooxda Manchester United iyo xulka England ayaa hadda ku shaqeeya – falanqeeye ciyaareed oo TV ah.

“Sababta aan arrintan u samaynayo waa tartan,” koobab ayaan horay ugu guulaystay haddana waxaan hiigsanayaa suun.”

Baraha bulshada ayuu dhawr jeer soo galiyay muuqaalo uu iska duubay isaga oo feedhtamaya lana shaqaynaya Mel Deane oo shaqsiyan u tababaraya.

Ferdinand ayaa lix jeer ku guulaystay Horyaalka Ingiriiska, koobka Horyaallada Yurub ee Champions League mar ayuu ku guulaystay, wuxuuna raadkoodii hayaa Leon McKenzie oo afka hore uga ciyaari jiray kooxda Crystal Palace iyo Curtis Woodhouse oo khadka dhexe uga ciyaari jiray naadiga Birmingham City, kuwaas oo markii ay kubadda ka fadhiisteen noqday xirfadleyaal feedh oo rasmi ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland