SOMCABLE

Raysal-wasaaraha Hindiya Oo Socdaal Israel Indhaha Ku Hayso Ku Tagay Falastiin

Falastiin, 11 Feebarweri, 2018 (Himilo) –  Raysal-wasaaraha Dalka Hindiya, Narendra Modi ayaa booqday magaalada Ramallah ee daanta galbeed ee dhulka Falastiin, halkaa oo uu wada-hadal kula yeelan doono Madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabbaas.

Booqashada Raysal-wasaaraha Hindiya ayaa imaneysa xili uu sii xoogeysananyo xidhiidhka u dhaxeeyo Israiil iyo Hindiya.

Dadka qaar ayaa booqashada raysal-wasaare Modi u arka inay tahay mid dowladda Hindiya ay isu dheelitireyso xidhiidhka ka dhaxeeya Falastiin iyo Israiil oo ay xurguf u dhaxeyso.

Dowladda Hindiya ayaa in muddo ah taageeri jirtay baahida loo qabo in Falastiin ay noqoto dal madaxbanaan, balse raiisul wasaare Modi ayaan booqanin daanta galbeed, kadib markii sannadkii aynu soo dhaafnay uu tegay Israiil.

Raysal-wasaare Modi ayaa Shalay ka ambabaxay dalka Urdun, taasi oo qeyb ka ah safaro uu ku marayo dalalka Cumaan, Imaaraatka iyo dhulka Falastiin.

Sidoo kale raysal-wasaaraha Israiil ayaa dhawaan booqday dalka Hindiya, halkaas oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dhawaan magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israiil, waxaana tallaabadaasi ay dhalisay cadho ka dhan ah Mareykanka iyo in waddamada ugu quuwadda weyn caalamka ay ku kala qeybsamaan go’aanka Madaxweynaha Mareykanka.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan iyo waxa kasoo bixi kara wadahadalka raysal-wasaaraha Hindiya iyo hoggaamiyaha Falastiin.

 

Leave a Reply