SOMCABLE

Rafa Benitez Oo Tibaaxay Suurtogalnimada Inuu Tabbabare U Noqdo Liverpool

 

Tababare Rafa Benitez ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu dib ugu laabto kooxda Liverpool oo uu mar kale tababare ka noqdo.

Tabababaraha Newcastle United ayey kooxdiisu la ciyaari doontaa Liverpool ciyaar ka dhici doonta St James’s Park, waxaana ay noqon doontaa markii koowaad ee xili ciyaareedkan uu Benitez ka hor tago naadigii uu u qaaday Champions League.

57 jirkan oo Liverpool u qaaday Champions Leauge, FA Cup iyo Super Cup sannadihii u dhexeeyey 2004 illaa 2010, ayaa waxa uu sheegay in aanu wakhtigan haysan fursad uu dib ugu laabto kooxdaas uu taariikhda ku samaystay, hase yeeshee, mustaqbalka ay suurtogal tahay inuu mar labaad tababare ka noqdo.

Benitez oo ay warbaahintu weydiisay inuu niyadda ku hayo inuu mar uun dib ugu laabto garoonka Anfield, waxa uu xusay inuu halkaas ku qaatay wakhti wanaagsan oo uu kula qaaday afar koob, isla markaana uu marar dhawr ah tegay semi final, laakiin wakhhtigan aanay cidina sheegi karin inay dhici doonto.

 

 

 

Leave a Reply