SOMCABLE

Qoyska Xiddiga Maxamed Salaax Oo Ku Jira Xabsi Guri Aanay Ciddi Ku Xukumin !

Qoyska uu ka dhashay Ciyaaryahanka kubbada cagta ee kooxda Liverpool Maxamed Salaax ee u dhashay Dalka Masar ayaa waxa soo waajahday dhibaato ah inay galaan xabsi guri.

Qoyska uu ka soo jeedo Maxamed Salaax ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin qoys ku adag hiddaha iyo dhaqankooda waxaanay deganyihiin tuulada ay ka soo jeedaan oo magaceeda la yidhaa Najriij oo ka mid ah dagmooyinka hoos tega Gobolka Al Qarbia ee Dalkaasi, tuulada Najriij ayaa ah Tuuladii uu ku dhashay Xiddiga kubbada Cagta Dalka Masar ee Maxamed Salaax.

Xabsi gurigan ay qoyskiisu ku jiraan ayaan ahayn mid ay maxkamadda amase laamaha amniga ee kala duwani ku xukumeen, balse waa mid ay sabab u yihiin dadweynaha ku dhaqan tuuladaasi ee ku soo qulqulaya guriga ay deganyihiin Qoyska Maxamed Salaax kuwaasi oo u badan dad ay baahi wado isla markaana aaminsan inay shaqooyinka dawladda ka caawin karaan amase wastayn karaan arrintaasi oo ay qaar ka mid ah Ehelka Salaax ay ku tilmaameen inay tahay fikir qaldan oo ay iska dhaadhiciyeen.

Qoyska xiddiga Salaax ayaa markii ay go’aansadeen inay tuuladoodaasi deganaadaan ayey sababtay inay gurigooda kusoo qulqulaan dadka Tuuladaasi degan iyagoo ku kalifaya inay u guuraan mid ka mid ah magaalooyinka kale ee waaweyn ee Dalkaasi.

Leave a Reply