SOMCABLE

Qorshihii Furfurka Islaamka Ee Bernard Lewis :- Q.14aad

Qorshihii Furfurka Islaamka Ee Bernard Lewis :- Q.14aad

Waxa jira calaamado gaar u ah dhacdooyinka siyaasadeed ee Dalalka Carabta ah iyo kuwa Duwaliga ah waxaanay si toos ah ugu xidhan yihiin Dagaalka Weyn ee Aakhiru Sammaanka. Haddaba, waa maxay Dhacdooyinkaasi Astaanka u ah ee sida tooska ah u galaya Dagaalkaasi?.

 

Dhacdooyin Dhacay Oo Dhammaaday :

 

  1. Diristii Nebi Muxamed NNKH iyo dhimashadiisii :

Soo diristii Nebigeenii suubanaa NNKH waxay ka mid tahay Calaamadihii ugu horreeyay Calaamadaha yaryar ee Saacada waayo, Nebiguna SCW waxa uu ahaa Nebigii ugu dambeeyay Ambiyadii uu Ilaahay soo diray waana arrin ku cad Kutubta Taraat-ka iyo Injiilkaba, sidoo kale Axaadiista Nebiga NNKH waxa uu inoogu sheegay in soo diristiisu tahay Daliilka ugu horreeya ee tilmamaya inay Saacadu dhawdahay waxa uu yidhi Nebigu NNKH Xadiiskii Macnihiisu ahaa “Waxa na la soo diray aniga iyo Saacada anaga oo sidaa isku ah waxaanay tilmaamtay labadiisa farood ee  far dhexada iyo Murdisada ee Bukhaari iyo Muslim.

Waxa jira Xadiis Bukhaari ee Nebigu NNKH uu kaga warramayay in dhimashadiisu ay ka mid tahay Caalamadaha Saacada iyo aakhiru Sammaanka waxa aanu Nebigu yidhi NNKH markii uu warramayay Cawf Bin Maalik “Waxaan ka tiriyay lix inta u dhexaysa  Saacada waxaana ka mid ahaa Lixda arrimood ee xusay Nebigu dhimashadiisa NNKH”.

  1. Furashooyinkii Islaamka :

Waxa uu Nebigu NNKH ku lahaa Xadiiska ku sugan Mulsim ee ku jira Saxiixiisa Kitaabka Fitanka iyo Dagaalada iyo Shuuruuda saacada “Waxa aad ku duuli doontaan Jasiirada Carabta Ilaahayna waa idiin furi doonaa, haddana waxaad ku duuli doontaan Faaris ilaahay waa idiin furi doonaa, haddana waxaad ku duuli doontaan Room Ilaahay waa idiin furi doonaa, kadibna waxaad weerari doontaan Dajaalka Ilaahay waa idiin furi doonaa”.

Waxa xaqiiq ah oo aan muran ku jirin in dhacdooyinka Nebigu NNKHA inoo sheegay ee ah furashada Jasiirada Carabta iyo Faaris iyo qaybo ka mid ah Bilaad Al-room, waxay dhammaan dhacdooyinkaasi dhaceen xilligii saxaabada iyo xilliyadii ka dambeeyay, kaliya furashada dhiman waxay tahay ta Dajaalka sida ku cad xadiiska Nebiga NNKH.

Sidoo kale waxa uu Nebigu NNKHA ka warramay in dad Muslimiinta ka mid ah furan Doonaan Dalalka loo yaqaan Hindiya iyo Turkiga iyo Dalal ka mid ah Midawgii Soofyeeti ee burburay sida ku caad Kitaabka Nisaa’I iyo kitaabka Musnadka Ahmed iyo Kitaabka Imaam al Bayhaqi ee sunanka waawayn waxaanu yidhi Nebigu NNKH “Waxa ka mid noqon doona ummaddan Dad loo diro doono Sanada iyo Hinidiya”.

LA SOCO…

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland