SOMCABLE

Qiimaha Lacageed Ee Taashka Aroosad Ku Soo Biiri Doonta Bishan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska !

Waxa dhawaan la filayaa inuu dhaco Arooska Amiirka ka tirsan boqortooyada Dalka Britain ee Amiir Harry iyo Megab Mercal oo la filayo inuu dhaco bishan gudaheeda.

Saxaafada Dalka Britain ayaa waxay aad u qaadaa dhigtay Taashka ay xidhan doonto oo la sheegay in qiimihiisu uu yahay mid aad u sareeya.

Sida lagu baahiyay Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa dalkaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa sheegayey in Taashka Aroosada Megab Mercal ay samaysay shirkada Ralph & Russo oo ah shirkad dharka soo saarta kuna taalla Dalka Australia, balse lagu aasaasay Dalka Britain 11 sanadood ka hor.

Toobka Arooska ee haweenaydan Megan Mercal ayaa waxa qiimihiisu uu yahay 180 kun oo Dollar waxaanay xidhan doontaa maalinta arooskeeda ee ku beegan 19-ka bishani May, Megan Mercal ayaa sidoo kale la sheegay inay xafladii meherkeeda ay xidhatay toob uu qiimihiisu ahaa boqol kun oo Dollar.

Sababta keentay in taashka Aroosada ku soo biiri doonta qoyska boqortootada Britain loo  qaadaa dhigay ayaa waxay tahay qiimaha qayrul macquulka ah ee taashkaasi lagu iibiyay.

Leave a Reply