SOMCABLE

Nuxurka Kulamo Madaweynaha Puntland La Yeeshay Masuuliyiinta Dawladda Imaaraadka Carabta

UAE, 11 Apr, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha Puntland Md Siciid Cabdillaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo muhiima la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatuur (Gabiley) La taliyaal ka tirsan Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Imaaraadka, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay arrimo la xidhiidha ganacsiga xoolaha, isku xidhka Puntland iyo Imaaraadka ee dhinaca duulimaadyada, kobcinta ganacsiga labada dhinac iyo dhiiri-gelinta maalgashiga.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa waxa kale oo ay kulamo la qaateen rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi, waxaana weftiga Puntland usoo bandhigeen ganacsatada dalkaasi fursadaha ganacsi ee Puntland ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga labada dhinac.

Kulamadan ayaa waxa kale oo lagaga arrinsanayey iskaashiga ganacsi iyo midka wada shaqayneed ee labada dhinac, waxaanay ku soo dhammaadeen is afgarad iyo wada shaqayn dhex marta sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland Siciid  Cabdillaahi Deni ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaadan doono Masuuliyiinta Dawladda Imaaraadka Carabta, iyo ganacsatada ba, kuwaasoo loogu gogol-xaadhayo kobcinta xidhiidhka labada dhinac sida maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo arrimo kale.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply