SOMCABLE

Nin Xaaskiisii Furay Kadib Markii Ay Xanjo Isku Khilaafeen !

Waa arrin aad u layaab badan oo sababtay in lammaane nolosha waddaagaa ay ku kala tagaan isla markaana sababta furniinkoodu uu noqdo Xanjo yar.

Dhacdadan aadka u layaabka badan ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Lakanhu ee gobolka Baradesha ee dalkaasi Hindiya.

Sidaana waxa lagu baahiyey Wargeyska Daily Mail oo uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay, lammaanahan ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf ku saabsan meherka waxa aanay isla galeen maxkamad.

Balse Saciid oo ay Xaaskiisa oo la yidhaahdo Simi ayaa soo dacweysay, isaguna waxa uu maxkamadda dhexdeeda kaga dhawaaqay saddexdii dalqadood iyo inuu furay sababtuna waxa ay tahay in xaaskiisa oo marka hore ba ay isku khilaafsanayaan Xanjo uu siiyey, balse ay ka qaadan weyday iyadoo xilligaasi ku mashquulsanayd qareenkeeda oo talooyin u soo jeedinayey.

Siciid ayaa laga yaaba in lagu xukumo saddex sano oo xadhig ah iyo gannaax lacageed kadib marka ay maxkamaddu ka arrimiso khilaafka meherka ee u dhexeeya isaga iyo xaaskiisa, lammaanahan ayaa nolosha ku midoobay sanadkii 2004 tii.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply