SOMCABLE

Nin Soomaali Ah Oo Lacag Kumanaan Doolar Ah Lagaga Dhacay Nairobi & Sida Lagu Ogaaday 

Nairobi, 08 Oct, 2019 (Himilo)-Muuqaal ay duubtay Kamaradda Qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa muujisay in Nin Soomaali ah oo Lacag dhan Lixdan kun oo Dollar lagaga dhacayo Hudheel ku yaalla Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Muuqaalkan oo ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa muujinaya Ninkan oo Nin kale ay iska raacayaan Goobta Hudheelka laga Maamulo ama Dadka gelaya laga haggo, ka dibna muuqaalka ayaa ku tusaya in Ninka Soomaaliga ah oo ay daba socdaan Saddex Nin oo loo malleynayo inay yihiin Kenyaan, ka dibna Kamaradda waxa ka soo baxaya ninka oo qol ay saddexda Nin sii fadhiyeen la galaya bac uu Lacag ku sido, daqiiqado ka dibna waxa qolkii iyagoo yaacaya ka soo baxaya Ragga loo malleynayo inay lacagta dhaceen.

Haddaba, Idaacada BBC-du ma sheegin Magaca Ninka Soomaaliga, balse waxay sheegtay oo keliya in uu Ninkaasi yahay Sarrifle, xilliga la dhacayeyna loo sheegay inuu lacag sarrifayo, laakiin la dhacay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply