SOMCABLE

Nin Muddo Afar Ilbidhiqsi Ah Qudha Kaga Jaray Haweenay Iyo Afar Nin Oo Kale !

Nin u dhashay Dalka Chile isla markaana ay ciidammada Ammaanka ee dalkaasi ku daba jireen ayaa waxa uu soo galay goob lagu caweeyo oo ku taalla Magaalada Carol Urzu’a oo 209 Km u jirta Magaalo Madaxda Dalkaasi, ninkani ayaa waxa uu goobtaasi ka geystay dil aad u fool xun isla markaana argagax galiyey dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Ninkan ayaa waxa uu muddo 4 ilbidhiqsi ah qudha kaga jaray shan qof oo kala ahaa haweenay iyo afar Rag ah oo goobtaasi ku sugnaa, ninkan ayaa wax uu la kulmay arrin aanu marnaba filaneyn sida lagu baahiyay wakaalada wararka ee Al-arabia oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Ninkan ayaa dhammaan falkii uu kacay wax duubtay kamarad daahsoonayd oo goobtaasi ku xidhneyd, ciidammada Ammaanka dalkaasi ayaan ilaa iyo haatan ku guuleysan in ay gacan ku dhiiglahaasi gacanta ku soo dhigaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply