SOMCABLE

Nin Aan Waxa Jooga Garanin-Waxa Soo Socda Ma Garto!-W/Q Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

Salaanta Islaamka ka dib, adduunyadda horaa loo yidhi, waa sagaal, qabyo ama beylah kama dhammaato, balse mar walba Bani’aaddamku wuxuu u taagan yahay, ama ku dedaalaa dabboolideeda guud ahaan, gaar ahaana, ummad kastoo Ilaahay isku deegaan ku abuuray, way u taagan tahay hadafkaa, waajibku haku horreeyo, haddba inta ay u dooratay ee arrinka xalkiisa u xil saaran. Balse haddii waajibkaa ay ka gaabiyaan kuwii looga fadhiyey, sida beylaho badan oo dalkeena horyaalla, qeybna ka tahay ta maanta igu kaliftay inaan qalinka u qaato, oo xaqiiqdii gubaysa anniga iyo inta ila garaadka ah ee u taagan difaacida dannaha dalkooda JSL iyo dadkiisa, ayaa igu ajburtay inaan la waddaago  bulshada, si aanu wadajir ugu hoga-tusaalayno inta ay khusayso, dhammeynteedu.

Waxa muddo dhoweyd dalkeena ka dhacay fal waxashnimmo ah oo loola badheedhay bulshada ku nool Buuhoodle, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadheen muwaadiniinteena, Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatay, inta ku dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan haka siiyee, aamiin, oo guud ahaan bulshadeeda iyo madaxdeenu uguna horreeyo Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi si weyn u cambaareeyeen, isla markaana Madaxweyne Biixi ku amray hay’adaha Ammaanka dalka inay baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo cadowga ka dambeeyey.

Maalin ka dib, waxa weedhihii Madaxweynaha JSL Md Biixi kaga deyday isla markaana amray in muddo afar iyo labaatan saacadood lagu helo natiijada kuwii ka dambeeyey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Md Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas, halka nasiib-darro Ku-xigeenkiisu hubsiimo la’aan eedaha weerarkii Buuhoodle kula soo galgashay dalkeena dadkiisii lagu gummaaday inay ka dambeeyeen!, Balse horaa loo yidhi ( af aanad lahayn ma qabatid).

Maalmo horteed Guddi sheegtay inay baadhayeen falkii ka dhacay Buuhoodle oo maamulka Puntland mettelayey waxay shaaciyeen inuu gebagebo ku dhow yahay hawshoodii, dhowaana natiijadeeda shaacin doonaan, ka dib kulan dhexmaray Madaxweyne-xigeenka Puntland (Ninkii Hubsiimo-la’aan ku eedeeyey JSL weerarkii Buuhoodle), akhristow- maxaad filaysaa in natiijada Puntland noqon doonto? Nin Raggi wuu Garran-doqqona loo sheegi mayo!

Waxaan isweydiiyey tollow, baadhitaankii Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi faray in lagu sameeyo falkaa oo sida cadceeda ugu muuqday ummadda kuwii ka dambeeyey, dhinacyo kala duwana magacaabeen, ayaa xog la’aanta igala soo gudboonaatay arrinkaa, waxa iigu biiray, halis kale oo laga soo sheegay inay ku soo korodhay bulshada reer Buuhoodle, kuna saabsan baqdin-gelin dhinaca teleefoonada farriimo dad kala duwan loogu soo diray, (Wallow) xaqiijinteedu dambayso, balse waa digniino aan la dhayalsan karin, oo waddanka jaarkeena ee Soomaaliya hore bulshadiisa loogu burburiyey, haddii aan degdeg looga gaashaaman?.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin aan waxa jooga garanin, waxa soo socda ma garto”, waxaan ku barraarujinayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland inay feegijnaan dheeraad ah u yeeshaan ilaasashaha dannahooda iyo nabadgelyada dalkooda Ilaahay ku mannaystay, Uguna Mahadnaqaan, gaar ahaana hay’addaha u xilsaaran Ammaanka iyo Xukuumadda ku boorinayaa inay tallaabooyinka ku habboon ka qaadaan, isla markaana looga fadhiyo inay qorshayaashii ay ku waajahi lahaayeen dabbinada cadowgu malleegayo u diyaar ahaado, iyagoo la kaashanaya bulshadooda u heelan dalkooda, Ilaahay ummadeena JSL iyo guud ahaan Islaamka qulluubtooda ha mideeyee. Aamiin.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply