SOMCABLE

Murrashaxii Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Deyriyey Xaaladda Nololeed Ee Dadka Iyo Heerka Hoggaaminta Madaxweynaha

Hargeysa, 04 March, 2018 (Himilo)-Siyaasi Maxamed Cali Aw-Cabdi ayaa si adag uga hadlay xaaladda Nolosha dadka reer Somaliland iyo waliba heerka Kaabayaasha Dhaqaalaha, Adeegyada Bulshada, Wadajirka iyo Midnimada dadka, waxaanu ku dhaliilay Xukuumadda in aanay arrimahaasi u wajahin sidii loo baahnaa ee ay ka gaabisay.

Siyaasi Maxamed Cali oo ahaa Murrashaxii jagada Madaxweyne ku Xigeenka ee Xisbiga Waddani, ayaa ugu horreyn, waxa uu sheegay sababta ku kaliftay inuu xilligan ka hadlo arrimahaasi, waxaanu yidhi “Waxaan ka mid ahaa dadkii aaminsanaa in Madaxweyne Muuse Biixi waqti la siiyo, ugu yaraan ah sanad oo cannaanta iyo dhaliisha laga yareeyo in tilmaan la siiyo mooyee, waayo xilka dawladnimada ayaa ballaadhan, laakiinse, waa Xisbiga Kulmiye oo isku dhiibay oo waxa lays lahaa hore ayuu ula qabsan oo isbeddel ayuu sameyn, waxaadse moodaa Madaxweynaha inay wax weyni u dhiman yihiin oo haybada Dawladnimo iyo Hoggaaminta fiican ta xun waxa lagu kala gartaa sida ay u wajahdo arrimahan”.

Haddaba, Siyaasi Maxamed Cali waxa uu mid mid uga hadlay arrimahaasi, waxaanay u dhignaayeen sidan.

Nabadgelyada

“Nabadgelyada Somaliland waa ALLE mahadii, inkastoo sanadkii hore dhibaatooyin ka dhaceen Ceel-Af-Weyn iyo Sool, dhibaatooyinkaa qaarkoodna gudaha dalka lagu xalin kari waayey oo lagu soo xaliyey dalka deriska ah oo ay foolxumo aheyd, haddana maanta waa Nabad, balse waxa jirta hadda jirta shaqaaqo cusub oo ka taagan Gobolka Awdal Xeebihiisa, waxaanan ILAAHAY ka rejaynayaa in dawladda iyo dadkuba ciddii xil iska saaraysaba in laga wada hawlgalo, arrintaasina sida ugu caddaaladsan ee ugu habboon in loo xaliyo”.

Maceeshada

“Somaliland, waynu ka war qabnaa heerka Maceeshada iyo Sicir bararku marayaan, waxaana laga yaabaa in 80% in ka yari ay hal mar dabka wax saaraan, haddii aad fiidkii xaafada qaarkood aad soo martana waxaad dareemaysaa oohinta carruurta oo aad garanayo in aanay xanuunsanayn ee ay gaajoonayaan, sidaasi awgeed dawladdu way ka gaabisay halkaase dadweynaha gaar ahaan Ganacsatada waxaan leeyahay adduunyada cidda ururisaa way isaga tegtaa iyadoo tuulane, ha laysku naxo oo halaga war hayo sidii Diintu tidhi ilaa afartan Guri, haddii aan la karayna toban Guri ilaa afar Guri hala isku deyo”.

Caafimaadka;

“Caafimaadka waynu ognahay oo dalkii waxa ku soo batay Cusbitaalada gaarka ah, waxaana tegi kara oo keliya ninkii shilin haysta oo danyare wuu baaba’ay oo dambaska ayuu noqday, Cusbitaaladii dawladana maadaama oo kab weyn aanay dawladu siinin waxay dadka weydiiyaan lacag, si ay hawlaha ugu fuliyaan, markaa xaaladda Caafimaadka iyo Waxbarashadu halka ay marayaan isaga sheekeyn mayno oo dan’yare wuu baaba’ay”.

Shaqada;

“Tirada Ardayda Dugsiyada sare iyo Jaamicadaha ka soo baxda sanadkii waynu ognahay intay leegyihiin iyo inta shaqo hesha, markaa inta suuqa taagan ee hogganaysa iyo intii carrartay ee badaha isku gurtay waynu ognahay, markaa haddii aan arrintaasi wax laga qaban waa dab soo ollalaya oo haddii aan degdeg wax looga qabana dhawaan waynu dareemi doonaa kuleylka, markaa dawladu way ka gaabisaye waa in dadweynuhu caqli la yimaado oo ay ku dedaalaan inay sameeyaan Maalgelin, si dhallinyarada shaqo loogu helo”.

Wadajirka Dadka;

“Waxa dawladda xilkeeda ahaa wax wada lahaanshaha dadka, balse meesha way ka baxday oo waxa muuqata in wada jirkii dadka iyo waddaniyadii inay yar tahay oo dadku waxay kala fogaadeen dawladii hore ee Kulmiye, tana waxaan u mallaynayaa inay noqonayso firdhiya oo lakala yaaci doono oo nin waliba halkii uu dantiisa ka helayo uu tegi doono”.

Kaabayaasha Dhaqaalaha;

“Dekeda Berbera waa halbowlaha dhaqaalaha dalka, balse dilaal ayaa loo dhiibay oo la yidhi noo lis oo wixii ka yimaada aynu sugno, laakiin dhawaan waxa uu Wasiirka Maaliyadu sheegay in dakhligii sanadkan ka soo bixi lahaa aanu jirin oo hore loo sii qaatay, meeshii lagu qaadayna muu cadeyn, sidoo kale Saldhiga ayaa laga siiyey Berbera Imaaraadka Carabta oo waynu ognahay oo waa la bixiyaa saldhig waxaana adduunyada inta badan lagu kireeyaa saldhigyada 70milyan ilaa150milyan sanadkii, laakiinse dhawaan waxa uu Wasiirku sheegay in aanu saldhiga imaaraadka Berbera in aanu ahayn kiro ee la inoogu beddelay dhismaha jidka Berbera Corridor oo ay ku baxayso lacag dhan $110,000,000, waxaanay noqonay haddii la kireeyo lacag ka yar laba sanadood kiradooda, markaa waxaan leeyahay Madaxweyne dib haloogu noqdo arrintaasi oo saldhigaasi la kireeyo, waxaana ka sii daran in jidkii Berbera Corridor aanu ahayn mid cusub ee ay tahay in la ballaadhinayo jidkii hore, waana wax lala yaabo in aynu si caqli ah u maamuli kari weyno arrimahaasi”.

Ugu dambayntiina, Siyaasi Maxamed Cali waxa uu sheegay in hoggaaminta dalka ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay noqotay fadhiid, maadaama oo uu xilka hayey muddo ka badan sanad.

Himilomedia.com

Hargeys-Somaliland

Leave a Reply