SOMCABLE

Muran Dhul Oo Ka Taagan Bariga Gobolka Saaxil & Xildhibaan Sheegay In Maleeshiyo-beeleed Hubaysani Xoog Ku Qabsadeen Tuulo Dhan Oo La Deggan Yahay

Hargeysa, 9 Meey, 2018 (Himilo) –  Xildhibaan Siciid Cartan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in Maleeshiyo-beeleed hubaysan ay Weerar ku qaadeen isla-markaana qabsadeen Tuulo Magaceedu yahay Bah-doon, taasi oo ku taalla Bariga Gobolka Saaxil.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Maleeshiyo-beeleedka qabsaday Tuulada Bah-doon ee Bariga Gobolka Saaxil ay ka soo jeedaan Beel uu sheegay inay doonayaan Dhul sed-bursiimo ah, balse aanay ogolaanayn arrintaasi isla-markaana ay Dawladda ka wada-hadlayaan arrintaasi.

Xildhibaan Cartan oo Shalay Hargeysa ugu warramay Telefiishanka Eryal ayaa isagoo Arrintaa ka hadlaya yidhi “Saddex Tuulo oo ay ka mid tahay Tuulada la yidhaahdo Bah-doon oo bariga Saaxil ah, Beelo ayaa wada dega, Daaqa waa la wada daaqaa oo meesha waa la wada deggan yahay, laakiin Haydh-tuulayaal ayaa jira, Waraaqo ayaa jira, hore ayaa looga wada-hadlay, laakiin waxa jira in Rag hubaysan ay Tuulada Bah-doon ku soo duuleen oo ay qabsadeen illaa haddana ay haystaan.”

Xildhibaanka oo la waydiiyey waxay yihiin Kooxda qabsatay Tuuladu ayaa ku jawaabay “Waa Beel (Cidda qabsatay Tuulado)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan sheegayaa deegaanka Daaqa waa la wada leeyahay, laakiin deegaanka si baa loo kala deggan yahay, markaa Taako Cidna ka yeeli mayno oo u daba-fadhiisan mayno, Hay’adaha ay khusaysana waanu ka wada-hadlaynaa, laakiin in taako leeg oo dhul ah oo aanu Hadyad u bixinaynaa ma jirto.”

Xildhibaanku wuxuu ku dooday in Dadka wada dega Saddexda tuulo ee Bah-doon ka mid tahay ee bariga Saaxil dadka kala degaa hore u wada-hadleen isla-markaana la isku afgartay in Daaqa la wada yeesho deegaankana la kala yeesho “Horaa looga wada-hadlay oo la yidhi Daaqa waalla la wada leeyahay, Tuulooyinka jirana la yidhi, Beeshaasi intaas ayay leedahay, beeshaasina intaas ayay leedahay, Daaquna Dadka ka dhexeeyo, tii baa Qabaa’il doonaysa Sed-bursiimo ku soo duuleen, taana Hay’adaha Sharciga u leh ayaanu ka wada-hadlaynaa oo gacanta ayaanu ku haynaa..”

Ugu dambayn, Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Dawladda dhexe ayaan illaa hadda midna ka hadal maleeshiyo-beeleedka uu Xildhibaanku sheegay inay qabsadeen Tuulada Bah-doon, oo sida uu Xildhibaan Siciid Cartan sheegay Dadkii Deganaa ka Qaxeen.

Leave a Reply