SOMCABLE

Mucjiso: Wiil Uu Ku Dhacay Cudur Wejigiisa Ka Dhigay Mid U Eeg Wejiga Yeyga Oo Kale !

Mid ka mid ah Ardayda Wax Ka Barata Dalkaasi Hindiya ayaa waxa soo waajahday arrin mucjiso ah oo aan hore loo arag.

Wiilkan yar ayaa waxay da’diisu tahay 13 jir waxaana magaciisa la yidhaadaa Lalit Batidar waxa uu ku dhashay Magaalada Ratlam ee badhtamaha Dalkaasi Hindiya, wiilkan ayaa yaraantiisa waxa uu wajiga ku lahaa timo aad u badan waxaanay timahaasi haatan iski beddaleen mid u eeg Dhogorta uu Xayawaanka Yeygu ku leeyahay Wajiga waxaana wiilkaasi yar loogu yeedhaa ‘Ninka Yeyga Ah’.

Sida lagu baahiyey wakaalada Wararka ee Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay wiilkan yar timaha wejigiisu qariyay waxa dhererkoodu uu gaadhayaa 5 Miter waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in aan waxba laga qaban karin xaaladda uu ku sugan yahay wiilkaasi yari.

Wiilkan ayaa noloshiisa si caadi ah iskaga wata wallaw ay dadka qaar dhibaateeyaan marka uu marayo waddooyinka waxaanay mararka qaar ku tuuraan dhagaxaan iyagoo ugu yeedha Daanyeeryahaw.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply