SOMCABLE

Mucjiso: Gabadh Indhaheeda Ay Ku Nool Yihiin Afar Xabo Oo Shinni Ah !

Gabadh u dhalatay Dalka Thialand ayaa waxa indhaheeda ku dhex nool shinni waxaanay shinnidaasi quudataa Ilmada indhaha gabadhaasi iyo sidoo kale curuuqdeeda.

Gabadhan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Heya waxa aanay sheegeen dhakhaatiir ka hawl gala dhakhtarka Jaamacada Fuen ee dalkaasi in gabadhan ay inadhaheeda ku nool yihiin afar xabo oo shinni ahi oo mid kastaa uu dhererkeedu yahay 12 Inch.

Dr Hong Chi oo ah dhakhtar ugu sareeya daaweynta cudurada indhaha ayaa sheegay in xaaladda gabadhani ay tahay xaalad aan hore loogu arag guud ahaan caalamka waxa aanu sheegay inay arrin layaab leh noqotay waxaana ilaa iyo haatan ay dhakhaatiirtu baadhayaan sababta ay shinnidaasi u quudanayso ilmada indhaha iyo curuuqda indhaha gabadhaasi.

Heya oo ah gabadha ay dhibaatadani soo waajahday oo arrintaasi ka hadlaysa ayaa waxay tidhi, “Waxaan tagay qabri qof aan qaraaba ahayn waxa aanu ka guraynay dhir ka dul baxday waxa aan dareemay waxa indhaha iga xanxantaynaya waxaan u qaatay in boodhkii waxa iga soo gaadheen waan xoqay indhihii, balse xanuunkii ayaa sii batay intaasi kadib ayaan u tagay dhakhtarka indhaha oo markii uu shaybaadhkii sameeyay cadeeyay waxay dhibtu tahay iyo shinnida ku jirta indhahayga”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply