SOMCABLE

Mucjiso: Gabadh 10 Jir Ah Oo La Moodo Qof Muuqaalkeen Qof Gaboobay !

Abuurka Ilaahay SWT iyo Awoodihiisu waa kuwo aan marnaba la qiyaasi karin, haddaba dalka Combodia ayaa waxa ku nool gabadh yar oo uu ku dhacay xanuun dhif iyo naadir Dunida ku Ah oo ina tusinaya mid ka mid ah awoodaha Alle.

Gabadh yar ayaa waxa ku dhacay cudur maqaarka sare ee jidhka ka dhigaya mid dabacsan oo qofka uu ku dhacaa uu u eekaanayo qof aad u da’weyn oo gabaw soo halleelay, gabadhan yar ayaa haatan waxa ay da’deedu tahay 10 jir, balse sida ka muuqata  sawirkeeda waxa la moodaa in ay tahay qof aad u da’weyn.

Gabadhan yar ayaa waxa ay ku nooshahay tuulo yar oo u dhaw magaalo madaxda dalkaasi  waxa aanay Walaaladeed ugu yeedhaan Naaneysta Ah ‘Ayeeyo’.

Cudurkan amase dhibaatadan ayaa ah mid dad aad u tiro yar soo waajahda waxaana keliya oo ay gabadhaasi yar dhibaatadaa ka bixi kartaa iyada oo loo sameeyo qaliin lagu qurxinayo maqaarkeeda.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply