SOMCABLE

Mooshinka Lagu Taageerayo Heshiiska Xisbiyada ee loo Gudbiyey Golaha Wakiillada & Wacdarihii Shalay

Akhri Liiska Magacyada Mudanayaasha Soo Gudbiyey Mooshinkaasi & Mudanayaasha Ka Darreeray Fadhiga

Hargeysa, 07 August, 2019 (Himilo)-Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u soo gudbiyey mooshin lagu taageerayo heshiiskii ay kala saxeexdeen Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID taariikhdu markii ay ahayd 27 July 2019.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo shirguddoominayey fadhiga shalay, ayaa mudanayaasha ku wargeliyey inuu jiro mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilladu, isagoo yidhi; “Waxa hadda la ii dhiibay mooshin ku saabsan heshiiskii saddexda xisbi qaran.” Kadibna waxa la xaadiriyey liiska magacyada mudanayaasha soo gudbiyey mooshinka, iyadoo sida sharcigu dhigayo nuqulka mooshinkaas loo gudbiyey La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir.

Heshiiska ay xisbiyada qaranku kala saxeexdeen

Mooshinka ay soo gudbiyeen Mudanayaasha ka tirsan Golaha Wakiilladu waxa uu salka ku hayey heshiiska ay saddexda xisbi qaran kala saxeexdeen 27 July 2019, heshiiskaas oo u dhignaa sidan;

  1. “Saddexda Xisbi Qaran waxay ku heshiiyeen Mooshin lagu kordhinayo in xubnihii Guddida Doorashada Qaranka oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-beddel iyo kaabis ugu sameeyaan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), kaas oo wax ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, farqadda 1aad – a) iyo faqradda 2aad b) ka hor 8 August 2019.
  2. Mooshinka waxa gudbinaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kana soo kala jeeda Saddexda Xisbi Qaran.
  3. Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan wax-ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska Saddexda Xisbi Qaran, inta ka horaysa 1 September 2019.
  4. Haddii wax-ka-beddelka qodobka 1-aad ee heshiiskan ay ansixin waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1 September 2019, waxa Saddexda Xisbi Qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub, kadib doorashada.
  5. Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, farqadda 1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu dambayn 1 September 2019.
  6. Hannaanka soo xulista xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada (Xeer Lr. 20/2002) ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey 15/9/2012 Qodobka 11aad, farqadda 2aad.
  7. Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019.
  8. Saddexda Xisbi Qaran waxay isku raaceen:
  • In Guddida Doorashada ee hadda xilka haysaa ay diyaariyaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo in Guddida Doorashada ee cusubna ay qabtaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo doorashada.
  • In ay hawl-galaan guddiyadii Saddexda Xisbi Qaran ee magacawnaa, kana koobnaa 15-ka xubnood, si joogto ah oo wada jira uga hawl-galaan hawlaha qabsoomidda doorashada.”

La-taliyaha sharciga ee Golaha Wakiillada iyo waajibka uga yaal mooshinka

Haddaba, La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada oo markii uu dhammaaday fadhigii Golaha Wakiilladu la hadlay telefiishanka Somali Cable, ayaa xaqiijiyey in isla markiiba loo soo gudbiyey Mooshinka, isagoo iftiimiyey waxa uu yahay waajibkiisa sharci ee kaga aadan mooshinkan, waxaannu yidhi;  “Mooshinku wuu i soo gaadhay oo tiro xildhibaanno ah oo ka mid ah Golaha Wakiilladu waxay xaq u leeyihiin inay mooshin soo gudbin karaan, hab-raaca sharciga ahaa ayaana la waafajiyey oo mudanayaashu waxay mooshinka u dhiibeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada oo fadhiga shir-guddoominayey, kadibna waxa la xaadiriyey liiska mudanayaasha soo gudbiyey mooshinka, sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu, kadib markii la xaadiriyey liiska mudanayaasha ah ee soo gudbiyey mooshinka ee waafaqay  tiradii loo baahnaa ee ugu yar ee mooshin lagu keeni karo Golaha oo ah 11 xildhibaan, sida uu sharcigu sheegayo waxa loo sii gudbinayaa La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada, waana la ii soo gudbiyey, kadibna sida uu sharcigu dhigayo waxa aan waafajin doonaa Xeer-hoosaadka iyo dastuurka, waxaanan Insha Allaah ku celin doonaa Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si loo mariyo hab-raacii kale ee ku xigay, halkaas ayaana laga sii wadi doonaa.”

Xildhibaannada ka dareeray fadhigii Golaha Wakiillada

Markii uu Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladu shaaciyey inuu soo gaadhay mooshin lagu taageerayo heshiiska ay xisbiyada qaranku kala saxeexdeen, ayaa waxa madashii fadhiga golaha ka bilaabmay buuq iyo sawaxan ka soo yeedhay mudanayaasha ka soo jeeda degaannada Gobollada Awdal, Selel, bariga Sool iyo bariga Sanaag, kuwaasoo bannaanka uga baxay fadhiga, iyagoo ku dooday in aanay ogolaan doonin in la qabto doorasho ilaa inta laga xallinayo khilaafka ka taagan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada.

“Sida aad la socotaan waxa aannu ka soo baxnay fadhigii Golaha Wakiillada, anaga oo ah xildhibaannada ka soo jeeda degaannada gobollada Awdal, Selel, Sanaag, Sool iyo Buuhoodle. Waxa aannu uga soo baxnay heshiis-ku-sheeg la yidhi saddexda xisbi qaran ayaa ku heshiiyey oo ku saabsan doorashada Golaha Wakiillada. Sida aad la socotaan doorashada Golaha Wakiillada caqabado fara badan oo siyaasi ah oo masuuliyadda Xukuumadda ah oo masuuliyadda Xisbiyada ah, waxaanna ka mid ahaa in la isku hayey arrinta Komishanka Doorashooyinka, waxa kaloo la isku hayey (khilaafsanaa) saami-qaybsiga in Somaliland ay caddaalad ku qaybsato xildhibaannada Golaha Wakiillada. Waxa la isku hayey kootadii dumarka oo iyaduna meesha taal, waxa kaloo la isku hayey dhaqaalihii ku baxayey doorashooyinka.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali-bare oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Md. Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda Gobolka Awdal, isagoo soo bandhigay waxyaabaha ay diidan yihiin, waxaannu yidhi; “Marka hore caqabado ayaa hortaagnaa in doorashada Golaha Wakiilladu ay qabsoonto,waanan soo dhawaynaynaa heshiiskaas (ay xisbiyadu gaadheen) iyo in doorashada Golaha Wakiilladu qabsoonto, laakiin heshiiskaas waxyaabihii kale ee muhiimka ahaa ee saami-qaybsiga ahaa ayaa ka maqan ee ha la soo dhammaystiro oo qodobkii saamiga ha lagu soo daro, sidanina caddaalad maaha ee caddaaladda ha lagu dhaqmo oo ha la fuliyo go’aankii Maxkamadda Sare, waxa aan maqlayaa Maxkamadda Sare ayaa haddana loo gudbinayaa, taasina wax aannu aqbalayno maaha, sharcina maaha, doorashadana kuma gelayno ee saamigii Somaliland aannu ku lahayn haddii aannu nahay beelaha darafyada ayaa loo baahan yahay ee qodobkaas ha lagu soo daro.”

Dhinaca kale, xildhibaannada taageeran mooshinkan iyo heshiiska xisbiyada qaranka oo iyaguna saxaafadda kula hadlay barxadda hore ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanku ku qabsoonto xiliga loo muddeeyey oo ah 12 December 2019, waxayna tilmaameen in aanay xiligan muhiim ahayn in saami-qaybsi lagu carqaladeeyo doorashooyinka.

Waxa kaloo ay sheegeen in saami-qaybsigu yahay arrin u baahan in si guud xal waara looga gaadho, iyagoo xusay xallintiisuna u taal Madaxweynaha Somaliland, isla markaana aan waxba laga qaban karin khilaafka saami-qaybsiga ilaa si rasmi ah loo furo dastuurka, waxayna ku baaqeen in hadda la ansixiyo kordhinta tirada xubnaha Guddida Doorashooyinka, kadibna laga wada shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa dhibka ka taagan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada.

Sida ku cad heshiiska ay kala saxeexdeen xisbiyada qaranka, Beesha Caalamkuna goob-joogga ka ahayd, mooshinkan ay soo gudbiyeen mudanayaal tiradoodu dhan tahay ilaa 21 xildhibaan, waxa waajib ah in la ansixiyo inta ka horaysa 1 September 2019, si loo kordhiyo tirada xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyadoo sidoo kale heshiisku dhigayo in haddii lagu guulaysan waayo in mooshinka lagu ansixiyo xiliga loo qabtay, ay xubnaha Guddida Doorashooyinku noqon doonaan 7 xubnood, doorashada kadibna la soo celin doono mooshinka, si mudanayaasha cusub ee la soo doortay ay go’aan uga gaadhaan sharciga lagu kordhinayo tirada Guddida Doorashooyinka Qaranka, loogana dhigo 9 xubnood.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply