SOMCABLE

Milan: Montella Meelna Uma Socdo

Maamulka sare ee kooxda AC Milan ayaa ku hagoogtay tababare Vincenzo Montella kadib markii ay kooxda ku jabtay kulankii ay Axaddii la ciyaartay naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Inter Milan.

Inter ayaa Milan ku garaacday 3-2 ciyaar aad caalamka looga daawaday. Saddexda goolba waxaa Inter u saxeexay weeraryahankooda Mauro Icardi, halka labada gool ee Milan ay kala dhaliyeen Suso iyo Bonaventura.
Waxay aheyd guuldarradi sadexaad oo xidhiidh ah oo ay Milan kasoo hoyso sadexdi kulan ee ugu danbeysay ee ay ka ciyaartay horyaalka Talyaaniga ee Seria A. Arrintaasi ayaa dhalisay shaki ah in Milan ay caydhin doonto tababare Montella.

Agaasimaha maamulka ee AC Milan Marco Fassone ayaa Isniintii u sheegay warbaahinta in Montella uu lasii joogayo naadiga. Wuxuu tilmaamay in kooxda iyo macalinkaba ay u baahanyihiin wakhti.

 

 

Leave a Reply