SOMCABLE

“Midowga Yurub Waxay Ka Shaqaynayeen Sidii Somaliland Ictiraaf U Heli Lahayd, Laakiin…” UCID

Hargeysa (Himilo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in ku-xigeenka Wakiilka Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo Toddobaadkan booqasho ku yimid Hargeisa uu u sheegay sida ay uga xun yihiin inay u dib u dhacaan Doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaannada ee Somaliland.

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCI, Cabdinaasir Qodax oo Maanta u warramay Telefiishanka Eryal ayaa sheegay in ku-xigeenka Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo Shir ay kula yeesheen Magaalada Hargeysa uu u soo bandhigay sida Midowga Yurub aanu ugu faraxsanayn dib u dhaca doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaannada.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply