SOMCABLE

Midowga Yurub Oo Hoggaanka Sare Ee Xisbiga KULMIYE Kala Hadlay Qabsoomidda Doorashooyinka

Hargeysa, 6 Maarij, 2019 (Himilo) – Hoggaanka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa shalay xarunta guud ee xisbiga kulan kula qaatay wefti ka socday midowga Yurub oo arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda ka shaqeeya.

Xubnaha weftiga ka socda midowga Yurub waxa xarunta guud ee xisbiga ku soo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga, waxaana labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo door ah oo salka ku haya u diyaar-garowga doorashooyinka iyo mawqifka uu xisbiga KULMIYE ka taagan yahay sidii ay

doorashooyinku waqtigii loo asteeyey ugu qabsoomi lahaayeen.

In kasta oo saxaafaddu dibed-joog ka ahayd kulanka dhexmaray labada dhinac, haddana guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere ayaa markii uu kulankaas dhammaaday la hadlay warbaahina, waxaanu sheegay inay xubnaha weftiga ah ee ka socda midowga reer Yurub kala hadleen qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla markaana ay xisbi ahaan u caddeeyeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ugu qabsoomi lahaayeen waqtiga loo asteeyey, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo  dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxaana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxaana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin.”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, waxa uu intaas ku daray inay weftiga ka socda midowga reer Yurub kala hadleen isbeddelada Geeska Afrika ka socda, isla-markaana ay u sharraxeen kaalinta ay ka geli karaan. “Qodobka kale ee aannu ka wada-hadalnay, ayaa waxa ka mid ah isbeddelka Geeska iyo xidhiidhka aannu la leenahay dalalka jaarka sida Jabuuti iyo iyo Itoobiya, mawqifka aannu ka taagannahay iyo inuu xidhiidhkayagu wanaagsan yahay waannu u sheegnay..” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply