SOMCABLE

Meharad Ku Taalla London Oo Aan Lacag Wax Lagaga Iibsan Ee Qashinka Lagaga Bedasho !

Meharad ku taalla magaalada London ee Dalka Britain ayaa waxa lagaga dhaqmaa arrin aad u layaab badan oo ah in ayaa ah mid aan cabitaanka iyo cuntada fudud midna aan lagaga iibsan lacag.

Meharadan oo magaceeda la yidhaa RUBBISH CAFÉ ayaa dadka wax ka cuna ama cabbaa waxay ku bedashaan Qashinka Caaga ah, isla markaana wax lacag ah laga qaadaa ma jirto, waxaanu qofku imanayaa isagoo sita qashinka caaga ah ee uu rabo inuu tuuro intaasi kadibna waxa uu helayaa cunto iyo cabitaanka uu u baahanyahay.

Haddafka loo aasaasay Cafateria-ha noocan ah ayaa waxay tahay in dadka laga wacyi galiyo halista caafimaad ee qalabka kala duwan ee caaga ka samaysan ee ay dadku u adeegsadaan inay wax ku cunaan kuwaasi oo isticmaalkoodu uu kor usii kacayo sanadadan, sidoo kale waxa dadka lagu baraa sidii ay u cuni lahaayeen cunto nadiif ah iyo sidoo kale cuntooyinka dabiiciga ah iyo waliba inay ka fogaadaan isticmaalka qalabka kala duwan ee caaga ka samaysan.

Sidoo kale dhibaatada uu leeyahay qalabka caaga ka samayssn ayaa waxay tahay in aanu sanado badan duugoobin isla markaana aanu wax faa’iido ah u lahayn dadka isticmaalaya.

Fikirkan ayaa waxa iska leh nin u dhashay Dalkaasi Britain oo la yidhaahdo Tom Doman, Tom ayaa waxa uu sheegay in Mallaayin qalabka caaga ka samaysan oo la sameeyay sanadkii 1950kii ay qaar ka mid ahi ilaa iyo haatan yaalaan goobaha qashinka lagu daadiyo ee dalkaasi, waxaanay arrintaasi saamayn ku keeni kartaa Bii’ada iyo deegaanka labadaba.

 

Leave a Reply