SOMCABLE

Maxkamadda Wareegta Ee Gobolka Sanaag Oo Xukun Ku Ridday Nin Kufsi Ka Geystay Ceel Af-weyn

Ceel Af-weyn, 11 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Maxkamadda Wareegta ee Gobolka Sanaag oo kormeer ku martay deegaanada Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolkaasi, ayaa qaadday Xukunno kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Kufsi loo geystay Dumar.

Maxkamadda Wareegta oo qaadday xukunno ay ka mid yihiin Kufsi, Tuugo iyo xukunno kale oo heer Gobolka ah, ka dib markii Maxkamadda wareegtaa kormeer ku martay deegaanno kala duwan oo Dacwadahaasi ka jireen,  ayaa Dadkii ku eedaysanaa Dacwadahaasi qaarkood ku ridday xukunno Ciqaab ah.

mid ka mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda Wareegta ee Gobolka Sanaag oo ku dhawaaqaya Xukun lagu riday Nin lagu helay inuu gabadh kufsaday ayaa yidhi “Maxkamaddu markay deristay Markhaatiyada Maxkamadda la hor-keenay iyo Xaashida dhaawac muujinta ee Cisbitaalka guud ee Degmada Ceel Af-weyn, kaasi oo caddeeyay inuu gaadhay dhaawac kufsi dhibbanta Marwo Farxaan Cabdi, sidaasi darteed waxay u aqoonsatay inuu yahay dambiile Maxamed Jibriil Ducaale, waxayna ku xukuntay 5 Sano oo xadhig ah iyo 2 kun oo Dollar oo ah Dhaawacii gaadhay dhibbanta.”

Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah Gobollada ugu badan ee ay ka dhacaan kufsiga loo geysto Dumarka sida uu sheegay ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Gobolka Sanaag Yaasiin Maxamuud Jaamac “beryahanba waanu wadnay Dacwadaha Maxkamadda wareegta, Dacwado Ciqaab ah iyo kuwo Madani  ahba way ahaayeen, Gobolka Sanaagna waxa ku badan Dacwadaha Kufsiga.” ayuu yidhi, ku-xigeenka Xeer ilaalinta Gobolka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Ceerigaabo

Leave a Reply