SOMCABLE

Maxkamadda Ciidammada Somaliland Oo Xukuno Dil iyo Xadhig Isugu Jira Ku Xukuntay Askar

Hargeysa, 29 August, 2019 (Himilo)-Maxkamadda Ciidammada Somaliland ee Derajada Koowaad ee Gobollada Galbeedka Somaliland oo ku sugan Magaalada Borama ayaa shalay Xukun dil toogasho ah iyo Xadhig ku xukuntay laba askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Qaranka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidammadda qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Maxamud Cabdi ayaa ka hadlay fal danbiyeedkii ay geysteen labadan askari Waxaanu xusay in eedaysanaha Koowaad oo ah Dable askari Boolis Mustafe Muuse Xasan Kaasoo ka Tirsanaa Saldhiga dhexe ee Boorama kuna eedaysan inuu si badheedh ah Tooray Saddex Jeer ugu dhuftay Marxuum Mahdi Nuur Cabdillaahi falkaas oo ka dhacay dalka Itoobiya ayaa keenay Dhimashada Marxuumka.

Sidoo Kale eedaysanaha Labaad oo ahaa Askari (Kormeere Saddexaad oo Ciidanka Asluubta) Lana yidhaa Maxamed Nuur Cali oo ku eedaysan Isku day dil oo uu kula kacay Dhibane Gaashaanle Axmed Nuur Cadar Taliye ku xigeenka Jeelka Magaalada Borama iyadoo eedaysanuhu rasaas ooda kaga qaaday.

Gabo gabadii markii la dhegaystay dacwadaasi ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda derajada Koowaad ee Ciidammada ee Gobollada Galbeedka Somaliland Gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aar waxa uu ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Labada eedaysane ee kala ah waxaanu yidhi, “Dable askari Boolis Mustafe Muuse Xasan oo lagu Xukumay Xukun dil ah Iyo Kormeere Saddexaad ee Ciidanka Asluubta ee Borama Maxamed Nuur Cali oo lagu xukumay 15 Sano oo Xadhig ah.

Xukunka ay Gaadhay Maxkamadda derajada Koowaad ee Ciidammada qalabka sida ee Gobollada galbeedka Somaliland ayey ku sheegtay in ciddii ku qanci weyda ay u furan tahay inay racfaan ka qaataan”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply