SOMCABLE

Maxkamad Maraykanka Ku Taalla Oo Dambi Ku Heshay Kornayl Tuke Oo Xasuuq U Geystay Dadka Somaliland & Xukunka Lagu Riday

Alexandria, (Himilo)-Sarkaal ka tirsanaan Ciidammadii Dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Siyaad Barre ayaa maxkammadaha federaalka ee dalka Maraykanka ku heshay dambi uu ka galay dadka reer Somaliland, isla markaana ay xukun ku riday.

Xeer-beegti Maraykan ah ayaa heshay in uu dambi geystay nin Soomaali ah oo taxi kaga shaqaysan jiray gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, isaga oo jidh dil geystay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya qaybihii dambe ee siddeetameeyadii.

Farxaan Taani Warfaa ayaa toddobaadkii hore ku makhraati furay Yuusuf Cabdi Cali oo ah nin hore kornayl uga soo noqday Soomaaliya, balse hadda ku sugan Washington DC, wuxuuna sheegay in uu jidh dilay.

Tuke ayaa ka mid ahaa madaxdii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna taageersanaa kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, sida lagu sheegay xogta maxkamadda.

Bishan wixii ka horreysay wuxuu wadi jiray taksiga tiknoolajiyadda la jaanqaaday ee Uber isaga oo dad badan ay jeclaysteen adeegiisa intii uu hawshaasi hayey.

Salaasadii ayaa Xeer-beegti ka tirsan maxkamadda faderaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ay Yuusuf-Tuke ku heshay in uu masuul ka ahaa jidh dilkii loo geystay Farxaan muddo haatan laga joogo in ka badan soddon sano, waxayna u xukuntay 500,000 oo doolar oo magdhaw ah.

Farxaan oo dacwaddan markii u horreysay ku soo oogay Yuusuf-Tuke sannadkii 2014kii ayaa BBC-da u sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda, “Aad iyo aad baan ugu farxay go’aanka maxkamadda”. Ayuu yidhi Farxaan.

Farxaan ayaa sheegay in ciidammada Yuusuf ay gurigiisa oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla ka afduubteen sannadkii 1987.

Bilihii ka dambeeyayna wuxuu sheegay in su’aalo la weydiin jiray, la jidh dili jiray, la garaaci jiray isla markaasna xabbad lagu dhuftay iyadoo awaamiirta uu bixinayey kornayl Yuusuf oo guuto xukumay.

Meyd ahaan ayaa la iiga tagay ayuu yidhi Farxaan, wuxuuna sheegay in uu lacago siiyay dadkii aasi lahaaa si ay meyd kale booskiisa ugu beddalaan.

Warbaahinta CBC ee dalka Canada ayaa markii u horreysay ku baahisay warbixin ay kornaylkan uga hadlayso sannadkii 1992, taas oo faahfaahin ka bixisay eedaymaha kornaylka loo soo jeediyay ee sheegaya inuu dil iyo dhibaatooyin kale u geystay boqollaal ruux intii uu u shaqaynayey dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Warbixintaas dheer ayaana lagu soo bandhigay dhawr goobjooge oo ka soo jeeda gobollada waqooyiga Soomaaliya kuwaas oo ku eedeeyay in uu kornaylku uu amray dilal arxan darro ah, kornaylka ayaa ku magac dheer Tuke.

Waxyar ka dib Kornaylka ayaa laga masaafuriyay Canada sida ku cad waraaqo maxkamadeed isaga oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Maraykanka ayaa isna billaabay qorshe uu ku tarxiilayo Yuusuf Tuke, balse dalkaas ayuu ku laabtay sannadkii 1996. Ma cadda sida uu dib ugu laabtay dalkaas.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply