SOMCABLE

Maxkamad Ku Taalla Muqdisho Oo Xukun Ku Riday Nin U Dhashay Dalka Britain

Banaadir, 07 August, 2019 (Himilo)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay soo gabagabeysay kiiska loo haystay nin u dhashay dalka Britain, kaddib markii lagu soo eedeeyey khalkhal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo magaciisa la yidhaa Andrew Brain Irlam oo 48 jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabadgelyada Qaranka, waxaana in muddo ah uu ku jiray gacanta hay’adaha ammaanka dalka Soomaaliya oo baadhitaano ku hayey kiiskiisa.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo gannaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta dollarka Mareykanka.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa iyaguna hore ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna ninka oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu hore ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aadan Cadde.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply