SOMCABLE

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Iyo Heerarkii Nololeed Ee Saddexda Murrashax Ee Ku Loolamaya Jagada Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, 9 Noofambar, 2017-(Himilo) – 13-ka bishan November, 2017-ka waxa Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacaysa Doorashada Madaxtooyada, waxaana Shacabka soo dooranayaan Madaxweynaha Dalka Hoggaamin doona Shanta Sannadood ee soo socda.

Musharraxiinta-Xisbiyada-SomalilandSidaasi darteed, Wargeyska Himilo waxa uu halkan idiinku soo gudbinayaa Taariikhda Musharraxiinta u tartamaya Doorashada, kuwaasi oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo u tartamaya Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE iyo Faysal Cali Waraabe oo ah Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID.

Taariikh nololeedka Musharraxiinta oo ay diyaarisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda ee BBC-da oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, ayaa marka koowaad waxaynu soo qaadanaynaa Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxayna Taariikhdiisu ku bilaabmaysaa sidan:- Faysal Cali Xuseen oo loo yaqaano Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1948-kii. Waxbarashadiisii Dugsiga Hoose/Dhexe waxa uu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sanadihii lixdameeyadii, 1965-kii ilaa 1968-kii waxa uu ku jiray Machadkii Tabobarka Macalimiinta Lafoole ee Afgooye, 1968-kii ilaa 1973-kii waxa uu waxbarasho jaamacadeed oo Injineernimada Dhismaha uu ku soo qaatay jaamacadda Leningrad University ee dalka Ruushka, 1974-kii ilaa 1976-kii waxa uu Faysal Cali Waraabe ahaa Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobollada Bay iyo Bakool ee Soomaaliya, 1976-kii ilaa 1981-kii wuxuu ahaa Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha, 1981-kii ilaa 1984-kii Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu noqday Madaxii Injineerada ee Dawladda Hoose Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, 1984-kii ilaa 1990-kii waxa uu Guddoomiye u ahaa Shirkad Dhisme oo magaceedu ahaa Ayaan oo magaalada Muqdisho xarunteedu ahayd.

Burburkii dawladdii Soomaaliya 1991-kii waxa Faysal Cali Waraabe iyo qoyskiisu ay u qaxeen dalka Finland. Jaamacadda Helsinki ayaa markale ka bartay culuumta Xidhiidhka Caalamiga ah.

Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, isla-markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, muddadii uu joogay Finland waxa uu madax ka noqday Ururrada Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas iyo Waddamada Yurubba.

Faysal  Cali Waraabe 1994-kii ilaa 1996-kii waxa uu Afhayeen u ahaa Koox Aqoonyahanno Qurbe-joogga ahaa oo u dhashay Somaliland oo u soo gurmaday xalintii colaadihii waqtigaas ka jiray Somaliland.

Sannadkii 2000 Faysal Cali Waraabe waxa uu ka mid ahaa aasa-sayaashii Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID ee uu Guddoomiyaha iyo Musharaxa Madaxweyne ka yahay xilligan, waxaanu ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay doorashadii 2003-dii ee Madaxtooyada. Sidoo kale Faysal Cali Waraabe mar kale ayuu musharax noqday doorashadii sanadkii 2010-ka, sanadkan 2017 waxa uu mar saddexaad u taagan yahay doorashada Madaxweyne ee la filayo inay dhacdo 13-ka November oo uu kula tartamayo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Musharaxa Madaxweyen ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Faysal Cali Waraabe waxa uu leeyahay Xaas iyo Sagaal carruur ah oo Siddeed ka mid ahi ay yihiin Wiilal iyo Hal Gabadh. Waxa uu ku hadlaa luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga, Ruushka iyo Finish-ka.

Muuse Biixi:- Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ahna Musharaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu ku dhashay Miyiga Hargeysa sanadkii 1948-kii. Waxbarashadiisii Malcaamadda iyo Dugsiga Hoose/Dhexe waxa uu ku soo qaatay Magaalada Hargeysa, Dugsiga Sare ee Camuud ayuu Waxbarashadiisii sarena ku dhamaystay sanadkii 1970-kii, kaddib waxa loo qaatay Sarkaal Ciidanka Cirka ee Soomaaliya, isagoo sanadihii 1970-kii ilaa 1973-kii Waxbarasho Sarkaalnimo ah kusoo qaatay Midawgii Soofiyeeti, markii uu ku soo noqday dalka waxa uu ka hawl-galay Saldhigyadii Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ee Balli-doogle, Baydhabo iyo Xaruntii Dhexe ee Ciidanka Cirka ee Magaalada Muqdisho.

Kornayl Muuse Biixi Cabdi sanadkii 1981-kii ilaa 1982-kii waxa uu kusoo qaatay tabobar xaga ciidannimo Saldhigga Milateriga ee Dalka Mareykanka ee Gobolka Ohio ee lagu magacaabo Dayton Air Base.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu markale 1983-kii ilaa 1985-kii uu Tabobar Sarkaalnimo sare ah uu ku qaatay Akaademiyada Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ee lagu magacaabo Short Lee, Muuse Biixi waqtigan kumuu soo laaban dalkii Soomaaliya waxaanu toos uga degay dalka Itoobiya, isagoo sanadkii 05/ May 1985-kii ku biiray Jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Kornayl Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa Saraakiishii dhinaca Milateriga ee ugu magaca dheeraa SNM, markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay ee Jamhuuriyada Somaliland goonida isu taagtay waxa uu noqday, isla markaana uu kusoo can-baxay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee la doortay 5-tii May 1993-kii, xilkaas oo uu muddo hayay, laakiin markii dambe laga qaaday.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka mid noqday Guddida Fullinta, markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii May Sanadkii 2002, isagoo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad loo doortay sanadkii 2008.

Muuse Biixi Cabdi waxa Shirweynihii Xisbiga talada haya ee Kulmiye 10-kii November sanadkii 2015 loogu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha iyo Musharaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga.

Muuse Biixi waxa uu ku hadlaa luuqadaha Ingiriisida, Carabiga iyo Ruushka, waxaanu Diploma sare ku qaatay Cilmiga Xalinta Khilaafaadka sanadkii 2008 ilaa 2010 oo uu ka qaatay Jaamacadda Hargeysa.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu leeyahay Laba Xaas iyo Todoba Carruur ah, Saddex Wiil iyo Afar Gabdhood.

Cabdiraxmaan Cirro

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, isla-markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas. Waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa 1955-kii, Waxbarashadiisii Hoose/Dhexe waxa uu ku dhamaystay magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa waxa uu u wareegay Dugsiga Sare ee Sheekh oo uu ku dhamaystay sanadkii 1977-kii.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) muddadii u dhexaysay sanadkii 1978-kii ilaa 1981-kii waxa uu kasoo shaqeeyay Hay’ad la odhan jiray Horumarinta Dan-wadaagaha ee Muqdisho. 1981-kii ilaa 1988-kii waxa uu ahaa Diblomaasi Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, gaar ahaanna Waaxda Iskaashiga Dhaqaalaha.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) bishii May 1988-kii ilaa 1996-kii waxa uu ahaa Ku-xigeenka Danjiraha iyo Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Ruushka ee Magaalada Moscow, waxa uu u guuray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) dalka Finland oo uu joogay sanadkii 1999-kii oo  uu kusoo Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Sanadkii 2000 Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka mid noqday aasaasayaashii Xisbiga UCID oo uu Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka noqday.

Doorashadii Golaha Wakiillada ee Somaliland waxa uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka mid noqday xubnihii laga soo doortay Gobolka Saaxil, kaddibna waxay Xildhibaannadu cod aqlabiyad ah ugu doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, jagadaas oo uu hayay 12 sanno oo uu iska casilay 2-dii August sanadkan 2017.

Sanadkii 2011 Cabdiraxmaan Cirro waxa uu aasaasay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kaddib markii ay isku dhaceen, isla-markaana ay Maxkamad isla galeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID. Waxaana muddo ka dib Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ay u doorteen Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas oo uu hadda yahay.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ku hadlaa luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga, Ruushka iyo Finish-ka, waxaanu shahaadada sare master-ka MBA uu ka diyaariyay Maamulka iyo Maareynta oo uu ka qaatay Kulliyada SIDAM ee Muqdisho, Diploma Xalinta Khilaafaadka ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Hargeysa.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, waxa uu leeyahay Xaas iyo Shan Carruur ah oo dhamaantood Wiilal ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply