SOMCABLE

Maxaad Ka Taqaanaa Fiitamiinada Aad Uga Qayb Qaata Caafimaadka Iyo Daryeelka Indhaha ?

Fiitamiinadu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha aasaasiga ah ee jidhka aadamuhu u baahan yahay isla markaana muhiimad aad weyn ay u leeyihiin noocyada kala duwan ee Fiitamiinadu jidhka aadamaha guud ahaan.

Marka ay noqoto arrintu dhinaca indhaha iyo aragtidooda waxa hubaal ah in haddii Fiitamiinadu ku yaraadaan ay hoos u dhacayso awoodii ay indhuhu iskaga caaabin lahaayeen Microbes-ka iyo viruses-ka.

Haddaba, waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa lix Fiitamiin oo ka qayb qaata ilaalinta iyo daryeelka Caafimaadka indhaha:-

  1. Lutein: waxa Fiitamiinkaasi laga helaa khudaarta cagaaran iyo liin macaanta iyo Cannaniska.

2.Vitamin C : waxa uu ka mid yahay Fiitamiinada ugu muhiimsan ee ka qayb qaata difaaca jidhka waxa aanu aad ugu fiican yahay difaaca indhaha iyo caafimaadkooda.

3.Vitamin A: waxa uu aad uga qayb qaataa marka ka soo kabashada dhaawacyada soo gaadha indhaha.

  1. Zinc: waxa uu ka qayb qaata la dagaalanka waxyaabaha dhibaatada soo gaadhsiin kara indhaha.
  2. Zakaxanthin: inta badan waxa ay Vitamin-kan isku lammaan yihiin Vitamin-ka Lutein-ka waxa aanu ka qayb qaataa la dagaalanka waxyaabaha sababa dhibaatada araga sida caadka isha daboola oo kale.
  3. Omega 3 acids acids fat: waxa uu ka qayb qaata la dagaalanka dhibaatooyinka soo gaadha dadka macaanka qaba indhahooda.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply