SOMCABLE

Maxaad Ka Taqaanaa Adeega Garsoor Ee Lagu Daah-Furay Koobka Kubbada Cagta Adduunka Ee Ka Socda Ruushka ?

Tartanka Kubbada Cagta Adduunka ee ka socda Dalka Ruushka ayaa waxa lagu daah-furay adeeg cusub oo ah mid caawinaya garsoorayaasha ciyaarahani, Adeegan ayaa waxa magaciisa la yidhaa Var waxaana loo soo gaabiyay “Video Assistant Refree”, waxaana ¬†macnaheedu yahay Garsooraha Muqaaleed ee Caawiyaha ah.

Soccer Football - World Cup - Group H - Senegal vs Colombia - Samara Arena, Samara, Russia - June 28, 2018   Colombia's Yerry Mina reacts as Referee Milorad Mazic awards Senegal a penalty before the decision is reversed following a VAR review   REUTERS/Carlos Garcia Rawlins

Soccer Football – World Cup – Group H – Senegal vs Colombia – Samara Arena, Samara, Russia – June 28, 2018 Colombia’s Yerry Mina reacts as Referee Milorad Mazic awards Senegal a penalty before the decision is reversed following a VAR review REUTERS/Carlos Garcia Rawlins

Hadafka loo adeegsaday Adeegani Casriga ah ayaa waxa uu ahaa in muranka iyo khilaafka ay ciyaartooyaga dhexdoodu kula doodaan garsooraha la yareeyo, balse nasiib darro adeegani waxa uu kor u sii qaaday muranka ka dhasha khaladaadka ay galaan garsoorayaashu.

Adeegan ayaa waxa maamula afar garsoore kuwaasi oo dul fadhiya Muuq baahiyayaal gaar u ah, waxaana afartaasi nin ay ka amar qaadanayaan hal garsoore oo ah garsooraha koowaad ee Adeega Var halka ay saddexda garsoore ee kale ay caawinayaan garsoosarahaasi.

Masuuliyada afartaasi garsoore ee Maamulaya Adeega Var ayaa waxay tahay inay kusoo ceshadaan hadba muuqaalka ay u arkaan inuu khalkhal galiyey garsooraha.

Muuqaalada kala duwan ee ay garsoorayaasha Adeegani Var ay kolba soo ceshanayaan ayaa waxa u soo gudbinaya 33 kamaradood oo ku kala rakiban guud ahaan Garoonka ay ciyaartu ka dhacayso, garsoorayaasha adeegaasi gacanta ku haya adeega Var ayaa waxay markiiba muuqaladaasi kala soo dhex bixi karaan ciyaaryahanka ku kaca qalad uu ku muttaysanayo kaadhka casaanka ah ee uu ciyaarta kaga baxayo kaasi oo uu garan waayo garsooraha garoonka dhexdiisa ku sugan, iyo sidoo kale goolasha liidka dhaafa ee uu goolhayuhu qabto iyo qaladaadka lagu muttaysto Penalty “Rigoodhe”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply