SOMCABLE

Maxaad Ka Taqaan Halista Ay U Leedahay Hooyada Uurka Leh Iyo Carruurta Maaddada Fluorine !

Deraasad dhawaan la soo saaray ayaa waxa lagu cadeeyay in maaddada Fluorine ee ku jirta biyaha qasabadaha dalalka qaarkood in ay saameyn ku yeelato xaddiga caqliga ilmaha yar isla markaana ay hoos u dhigto.

Laga soo bilaabo sanadihii kontomeeyadii qarnigii hore waxa ay dalal badan bilaabeen in ay maaddadaasi Fluorine biyaha qasabadaha ku daraan sababtuna waxay aheyd in ay dadku ka badbaadaan suuska Ilkaha.

Haddaba, waxa dhawaan la xaqiijiyay in xaddiga badan ee maaddadaasi uu saameyn ku yeesho maskaxda.

Christine Thiel oo ka mid aheyd khubarada deraasaddani soo bandhigay kana socotay jaamacada York ee dalkaasi Canada ayaa wareysi ay siisay Wakaaladda Wararka ee France Pressa oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay waxa ay ku sheegtay inay cabsi ka qabaan maaddadaasi waxa aanay tidhi, “Waxa aan dareenay halis badan oo maaddadaasi u leedahay gaar ahaan haweenka uurka leh iyo carruurta aadka u yar yar”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply