SOMCABLE

Masuuliyiin Ka Kala Tirsan Xisbiyada Waddani & Kulmiye Oo Fagaare Si Ba’an Isugu Dhalliilay 

Burco, 29 August, 2019 (Himilo)-Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa midba ka kale eedo ba’an u jeediyey.

Masuuliyiintan ayaa arrimahaasi waxay kaga hadleen mar ay shalay Hadalo ka jeedinayeen Xafladii furitaanka Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid oo lagu qabtay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa werwer ka muujiyey xaaladda dalka isla markaana ku dhalliilay Madaxweynaha Somaliland iyo tallooyina u soo jeediyey guud ahaan saddexda Xisbiyada Qaran waxaanu yidhi, “Xisbi kasta Mucaarid iyo Muxaafid in dib la isugu noqdo oo Qarankan tudhaalihiisa laga shaqeeyo oo Masuuliyada Qaranku ee in doorasho dalka ka qabsoonto iyo in dib laysugu celiyo Bulshada kala fur-furantay iyo in raadkii doorashadu reebtay la tirtiro cidda ay saaran tahay waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ciddina taa ugu imman meyso”. Afhayeenku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Qoladan waanu u sheegnay iyadoo Madaxweynuhu na hor fadhiyo immikana waanu ugu celinaynaa oo Ummaddan masiirkeeda iyo masuuliyadeedu cidda ay saaran tahay Madaxweyne waa Adiga, waxaana lagaaga baahan yahay xaaladan dalku galay mid aan aheyn in aad sameyso oo aad adigu tanaasul sameyso oo Xisbiyadan Mucaaridka ah tanaasulka faraha badan ee aad ka raadinayso inaad adigu sameyso oo lagugu ciiro ileyn Odey ummadeed ayaad tahaye oo dalka doorasho aad ka qabato oo waa ayaan darrooyinka ina haysta in Gollayaashii Deegaanka oo waqtigoodii dhammaaday oo aan loo kordhin oo sharciga la waafajin dibna loo dooran oo Gollayaasha Deegaanka lixda Gobol joogaa waxay cashuur ummadda kaga qaadaan sharci ay ku taalo lama garanayo”.

Sidoo kalena, Afhayeenku waxa uu ka digay halista ka dhalan karta hadalada xannafta leh ee ka soo yeedha masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland, “Dadka hadlaya ee Xukuumadda ka tirsan ee erayada xannafta iyo xanuunka leh ku hadlaya ee dadka kala diraya waxa waajib ah in Madaxweynuhu dareen togan ka bixiyo oo aanay isaga ku metalin oo uu Madaxweynuhu Ummadda wada jirkeeda iyo midnimadeeda ilaaliyo Madaxweynuhu ayaa muhiim ah in soddon sano kadib in laga baqdo Somaliland kala tegto waa tallaabooyinka iyo taariikhda ku suntan Xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya”. Ayuu yidhi Barkhad Jaamac

Dhinaca kalena, Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Mudane Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna Xisbiga Waddani ku eedeeyey Dastuur jabin waxaanu yidhi, “Baarlamaanka Somaliland Dastuurku wuxuu odhanayaa waxa uu ku immanayaa saddex Xisbi oo doorasho ku guuleystay markaa Xisbiyadii ku guuleystay waxay ahaayeen Udub, Ucid, Kulmiye, iyadoo xeer kasta oo Dastuurka ka soo hor jeedaa uu xaaraan yahay ayaa xeerkii la beddelay oo 21kii Xildhibaan ee Xisbiga Ucid ba waa la darreersada oo Xisbiga Waddani ayaa haysta, sharciyad ay ku heystaana ma jirto oo waynu isku aamusaynaa oo waynu isku khuurinaynaa, markaa Xisbiga Waddani oo aan weli gelin doorasho Baarlamaan waa maxay Xildhibaanada uu haystaa waa kuwii Xisbiga Ucid, waa maxay caqliyada noocaasi ahi”.

Xoghayuhu waxa kale oo uu sheegay in Caalamku weydiinayo su’aal ku saabsan Xisbiga Waddani, “Maalin walba Gaalada iyo Caalamku waxay na weydiinayaa sidee ayey ku dhacday in Xisbi aan doorasho gelin inuu Xildhibaanadii Xisbi doorasho galay uu Xildhibaanadiisii wareejisto, Annagu garan meynee ma Garxajisnimo ayaad ku amaahisay Faysal Caliyoow, waa waxyaalaha aynu u baahanahay in aynu dejino oo aan la odhan Kulmiye ayaa ceynkan ah iyo Kulmiye ayaa doorasho diiday ee waxeena oo dhan ayaa qabyo ah, markaa laba jeer ayuu Faysal doorasho galay oo wuu dhacay ee maxay u imman weyday tollaayeey yaa Garxajis ah ee hadda taagani maxay u garan weyday”. Ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga Kulmiye

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply