SOMCABLE

Masuul Sare Oo Ficil Fool Xun Oo Uu Sameeyey Isaga Casiley Xilkii Hoggaaminta Dalkiisa

Austria, 19 May, 2019 (Himilo)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Austria Heinz-Christian Strache ayaa xilka iska casilay kadib markii uu soo baxay muuqaal laga arkayo isagoo wada hadal ku saabsan qandaraasyada dowladda kula jira maalgashade Ruush ah, isagoo taas baddelkeedana ka doonayay in laga caawiyo ololihii doorashada.

Mr Strache, oo tan iyo sanadkii 2005-tii hoggaaminayay xisbiga midigta fog ee Freedom Party, ayaa sheegay in xilalka ra’iisul wasaaraha iyo madaxa xisbigaba uu ku wareejiyay wasiirka gaadiidka oo lagu magacaabo Norbert Hofer.

Wuxuu sheegay ficilkii uu sameeyay uu ahaa mid edeb darro ah oo aanay mas’uuliyad ku dheehneyn, wuxuuna ka raalli galiyay cid walba oo ay saameyn ku yeelatay arrintaas.

Hase ahaatee, waxa uu intaas ku daray inuu dhibane u noqday weerar siyaasadeed oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay, uuna qaado doono tallaabo dhinaca sharciga ah.

Muuqaalka la shaaciyay ayaa ahaa mid si qarsoodi ah loo duubay wax yar kahor doorashadii waddankaas ka dhacday sanadkii 2017-kii.

Ruushka ayaa hore looga xidhiidhiyey doorashooyin dhowr ah oo ka dhacay dalal ka tirsan caalamka, waxaana soo baxayay macluumaad ku saabsan inay farogalin saameyn leh ku sameeyeen.

Dalalka doorashooyinkooda lagu tuhmay inay shakhsiyaad ruush ah faro galiyeen waxaa ka mid ah Madagascar iyo Mareykanka.

Mareykanka waxa wali ka socda baadhitaannada ku saabsan sidii ay Ruushka ugu lug lahaayeen ololihii doorashada ee uu kusoo baxay madaxweyne Doland Trump.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sanadkii 2017-kii sheegtay in dacwadihii ugu horreeyay ee ku saabsan faragelinta la sheegay in dowladda Ruushka ay ku sameysay doorashadii ka dhacday Mareykanka 2016-kii loo gudbiyay waaxda dembi baadhista ee Mareykanka.

Tallaabadan ayaa waxa oggolaaday guddi garsoorayaal oo laga soo xulay dadweynaha Mareykanka. Waxaana ilaa iyo iminka aan la ogeyn waxa dacwadan ay ka kooban tahay iyo dadka lagu tuhmayo.

Baadhitaanadan oo uu hor kacayo Robert Mueller ayaa bilowday bishii May ee 2017-kii, waxaana guddigan ay shegeen inay baadhayaan suurtagalnimad in Ruushka uu farageliyay doorashadii Mareykanka iyo in kooxdii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump uu wax xidhiidh ah kala dhaxeeyay xukuumadda Moscow.

Madaxweyne Trump ayaa hore u sheegay in wax xidhiidh ah oo qarsoodi ah aanu kala dhaxeynin Ruushka, waxaana sidoo kale eedeymahaasi beeniyay dowladda Ruuhska.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply