SOMCABLE

Masuul Carbeed Oo Mallaayiin Doolar Ku Bixiyey Haasaawe Uu La Yeesho Gabadh Madow & Sababta Ku Keliftay

Lubnaan, 03 Oct, 2019 (Himilo)-Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan, Sacad Al Xarriiri ayaa lix iyo toban milyan oo doolar hadyad ahaan u siiyey gabadh u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo xayeysiisa dharka hoos gashiga ah ee ay ku dabbaashaan dumarka, sida uu ogaaday wargeyska The New York times.

Arrintan ayaa la ogaaday kadib markii waaxda cashuuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay ogaadaan halka ay lacagta ka timid, taasina ay keentay in arrinta ay maxkamad tegto.

Wargeyska ayaa waraaqo uu ka helay maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika waxa uu ku ogaaday in gabadhan ay hore u sheegtay in xidhiidh haasaawe uu ka dhaxeeyay iyada iyo Sacada Al Xarriir, kadib markii ay ku kulmeen goobo loo dalxiis tago oo ku yaalla jasiiradda Seychelles.

Ra’iisul wasaare Sacad Al Xariir ayaa xilliga uu lacagta siinayay Ms. Van der Merwe waxaa la sheegay in aanu wax xil ah heynin, waxaana sidoo kale la sheegay inay ahayd 2013-ka. Lacagta uu siiyay gabadha ayaa sidoo kale la sheegay in aanay waxba ku jabneyn oo aanu jabinin sharciyada u degsan dalalka Lubnaan iyo Koonfur Afrika.

Arrintan ayaa soo shaac baxday xilli dalka Lubnaan uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale.

Lacagtan ayaa la sheegay in uu u diray intii u dhaxeysay labada jeer ee uu xilka qabtay ee sanadkii 2013-ka.

Ms. van der Merwe ayaa xilligaas aheyd 20 sano jir, oo waxay kusoo caan baxday xayeysiis ay u sameyeysay shirkad sameysa cabitaanka.

Isla sanadkii 2013-ka, ayaa hantida Van der waxay noqotay 15 milyan oo doolar, kadib markii ay lacagta ka heshay Xariiri.

Lacagta ay heshay gabadhan ayaa la ogaaday, kadib markii waaxda canshuuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay cashuuraan lacagta lagu arkay akoonka bangigeeda, hasayeeshee Ms. van der Merwe ayaa ku dooday in lacagtaas ay tahay hadyad, oo aanay ahayn in la canshuuro, “Waan ku jeclahay, Sacadkeygii”. ayey Van der Merwe ku tidhi farriin ay u dirtay, kadib markii ay u gudbisay akoonka bangiga loogu soo shubayo lacagta, si ay guryo iyo alaabo kale ugu iibsato, Lacagta ayaa isla markiiba kusoo dhacday akoonka gabadha.

Wargeyska The New York Times oo qoray warbixintan ayaa isku dayey in uu la xidhiidho Van der Merwe, si ay wax uga weydiiyaan arrintan, balse waalidkeeda iyo qareenkeeda oo ku matalay maxkamadda ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan.

Ms. Van der Merwe ayaa maxkamadda ka hor cadeysay in iyadoo 19 jir ah ay u safri jirtay meelaha caanka ah ee loo dalxiis tago, oo ay ka mid tahay goob loo dalxiis tago oo ku taalla jasiiradda Seychelles, halkaas oo ay aad u boqdaan dadka hantida leh oo aanay lacagta agtooda waxba ka ahayn.

Markii dowladda Koonfur Afrika ay gabadha wax ka weydiisay halka ay ka keentay lacagta ayaa waxay sheegtay inay tahay hadyad ay ka heshay saaxiibkeed, lacagtaas na ay ku iibsatay qasri ku yaalla magaalada Cape Town. Sidoo kale lacag dhan 2.7 milyan oo doolar ayay amaahisay shirkad ka shaqeysa dhismaha oo uu aabaheed wax ka leeyahay.

Sacad Al Xariiri kama uu jawaabin warbixintan uu qoray wargeyska, waxaana kooxda u qaabilsan dhanka warbaahinta ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan.

Sacad Al Xariiri oo xidhiidh la leh dalalka Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa ah ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan ee suniga ah, kana mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalkaas, waxaan hantidiisa lagu qiyaasay lacag dhan 1.9 bilyan oo doolar.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply