SOMCABLE

Masar: Wiil Oo Yar Oo Ciyaar Uu Daawaday Awgeed Qudha Uga Jaray Haweenay Ay Deris Ahaayeen !

Magaalada Iskandariya ee Dalka Masar ayaa waxa ka dhacay Dil aad u fool xun oo uu fuliyey wiil yar oo 16 jir ah.

Wiilkan yar ee dilkaasi geystay ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Seef Al-diin waana arday dhigta Dugsiga Sare gaar ahaana fasalka labaad, wiilkan ayaa waxa uu qudha ka jaray haweenay Magaceeda la odhan jiray Haanim da’deeduna ay aheyd 59 jir, Haanim oo ay aheyd macalimad wax ka dhigi jirtay mid ka mid ah Dugsiyada Magaaladaasi ayaa waxa gurigeeda ku soo garaacay wiilkaasi yar kadib markii ay Albaabka ka furtayna waxa uu dhawr meelood ka geliyey Mindi uu sitay.

Intaasi kadibna, wiilkaasi yar waa uu baxsaday waxaana gacanta ku soo dhigay ciidammada Bileyska ee magaaladaasi.

Wiilkan yar ayaa kadib markii ay ciidammadu gacanta ku soo dhigeen waxa uu qirtay inuu dilkaasi geystay sababta ku kaliftayna ay ahayd inuu ciyaaray mid ka mid ah Ciyaaraha Electronic ah ciyaartaasi kadibna uu qoonsaday inuu sameeyo wixii uu ciyaarta ku arkay, dabadeedna waxa uu si toos ah u soo abaaray Haanim oo uu isla markiiba qudha ka jaray.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply