SOMCABLE

Masar: Neef Lagu Qallayey Maalintii Ciidul Adxa Oo Gallaaftay Nolosha Ninkii Gawracayey Dhaawacayna 9 Qof Oo Kale !

Magaalada Fanara ee dalkaasi Masar isla markaana 50 Km magaalada Ismaaciiliya u jirta ayaa waxa ka dhacay dhacdo aad u layaab badan maalintii koowaad ee ciidda.

Sida lagu baahiyey shabakadda Wararka Ee Russia Today Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa lagu sheegay in Sac loogu talo galay in lagu udxiyeysto uu markii loo diyaariyey in la qalo gaddooday kadibna uu markiiba nabaro halis ah gaadhsiiyey ninkii qalayey kuwaasoo sababay in uu geeriyoodo.

Sacan ayaa intaasi kadib ka baxsaday goobtii lagu hayey waxa aanu dhaawacay 9 ruux oo kale, laakiinse waxa markii dambe lagu guuleystay in la qabto.

Dhacdadan oo kale ayaa ah mid dhif iyo naadir ah waxa aanay yaab iyo ammakaag ku noqotay qoyska soo iibsaday sacaasi ee ugu tala galay in ay ku udxiyeystaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply