SOMCABLE

Masar: Hooyo Wiilkeeda Ku Xidhay Qol Yar Oo Ku Yaalla Guri Laga Guuray Toban Sano Ka Hor !

Hooyo u dhalatay dalka Masar ayaa waxay ku kacday fal aad u fool xun sidoo kalena aad u naxdin badan, hooyadan ayaa waxay muddo 10 sano wiil ay dhashay ku xidhay qol mugdi ah oo ku yaalla guri laga haajiray.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Gobolka Al-Qarbiya ee Waqooyiga Dalkaasi wiilkan ayaa waxay da’diisu tahay 17 jir, hooyada dhashay Wiilkan ayaa waxay qolkaasi ku xidhay markii ay da’diisu ahayd 7 jir waxaanu wiilkaasi xidhnaa muddo 10 sano oo xidhiidh ah.

Hooyada dhashay Wiilkan ayaa waxay cuntada u dhigi jirtay dhulka intaasi kadib waxay dusha kaga xidhi jirtay Qolkaasi wiilkan ayaa xaajadiisa waxa uu ku gudan jiray isla qolkaasi sababtoo ah hooyadii ayaa u diiday xataa inuu suuliga galo.

Hooyada wiilkani dhashay ayaa intaasi kadib waxay u bixi jiryay Suuqa waxaanay bilaabi jirtay inay dawarsato.

Kadib markii dadka la deriska ahaa ay arrintaasi ogaadeen ayaa waxay war galiyeen Madaxda wasaarada Arrimaha Qoyska ee dalkaasi iyo ciidammada Ammaanka waxaana wiilkaasi laga soo saaray Qolkaasi uu ku xidhnaa 10 sano waxaana la geeyay dhakhtar lagu eegayo xaaladiisa Caafimaad,hooyada Wiilkani dhashay ayaa haatan gacanta lagu hayaa waxaana la baadhayaa sababta ku kaliftay arrintani aad u arxanka daran ee ay wiilkeeda kula kacday.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply