SOMCABLE

Mareykanka Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diray Dalka Turkiga

Tokyo, 07 August, 2019 (Himilo)-Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga uga digtay weerar kasta oo ay ku qaadaan maleeshiyada Kurdish-ka ah ee Suuriya, uu noqon doono “mid aan la aqbali karin”.

“Waxaan aaminsannahay in weerar hal dhinac oo Turkiga ay qaadaan uu yahay mid aan la ogolaan karin” waxa sidaasi yidhi xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper oo weriyayaasha kula hadlay magaalada Tokyo oo uu safar ku joogo.

“Waxa aan hadda ka shaqeeneyno ayaa ah inaan iyaga [Turkiga] kala shaqeyno qorshe wax looga qaban karo wallaacooda, waxaana ku rajo weynahay inaan gaadhi doono halkaas….waxaanu isku dayeynaa inaan ka hortegno inay qaadaan tallaabo hal dhinac ah” ayuu yidhi Esper.

Hadallada Esper ayaa yimid laba maalmood kadib markii MadaxweynahaTurkiga Reccep Tayyip Erdogan uu wacad ku maray inuu waqooyiga Suuriya, gaar ahaan bariga Webiga Furat, ka fulin doono howlgal ka dhan ah kooxda Kurdish ee YPG, ee Mareykanka uu taageero.

Waxaana hadda socda wada-hadallo u dhaxeeya saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka iyo dhiggooda Kurdish-ka, kuwaasoo looga dan leeyahay in la abuuro “aag amni” oo laga hirgeliyo Waqooyiga Suuriya, si kooxda YPG looga fogeeyo xuduudda Turkiga.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply