SOMCABLE

Mareykanka Oo Dib U Dhigay Canshuur Uu Saari Lahaa Badeecadaha Shiinaha

Washington, 14 August, 2019 (Himilo)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u dhigeyso ilaa 15-ka bisha December, soo rogista canshuur cusub oo 10% ah oo la saari lahaa badeecadaha elektaroonika ee Shiinaha.

Si kastaba, Mareykanka waxa uu sheegay in aanay waxba iska beddeli doonin canshuur cusub oo la saaray badeecado Shiinaha ka yimaada oo qiimahooda dhan yahay 300 oo bilyan dollar, taasi oo dhaqan-geleysa 1-da September.

iyada oo Washington iyo Beijing ay ka shaqeynayaan xal u helista dagaalka ganacsiga ee sii xummaanaya, ayaa wakiilka gacansiga ee Mareykanka, Robert Lighthizer waxa uu maanta la hadlay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Shiinaha Liu He, waxaana la qorsheeyey in laba toddobaad kadib uu sidoo kale taleefon kula hadlo mar kale.

Wareeggii ugu dambeeyey canshuuraha, oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhowaaqay 1-dii August, ayaa waxa uu macnaheedu yahay in dhammaan badeecadaha Shiinaha uu usoo dhoofiyo Mareykanka ay la kulmi doonaan canshuur dheeri ah.

Trump ayaa shalay ku eedeeyey Beijing inay ka leex-leexaneyso ballanteeda ah inay iibsaneyso wax soo saarka beeraha Mareykanka.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply