SOMCABLE

Maraykanka: Jiir Argagax Galiyey Suxufiyiinta Ka Hawlgala Aqalka Cad Ee Dalkaasi Looga Arrimiya !

Suxufiyiinta ka hawlgala Aqalka Cad ee looga Arrimiyo Dalkaasi Maraykanka ayaa waxa Argagax galiyey Jiir ka soo dhacay saqafka sare ee Hall-ka shirarka Aqalka Cad, waxa aanu ku soo dhacay Suxufiga Pitter Al-exander ee ka hawl gala Wakaallada Wararka Ee NBC.

Intaasi kadib ayaa Hall-kaasi waxa ka bilaabmay qaylo iyo sawaxan Pitter ayaa waxa uu ku baahiyey barta uu Twitter-ka ku leeyahay qoraal u dhignaa sidan, “Hoolkii aan ku jirnay ayaa waxa ka bilaabmay qaylo iyo Argagax kadib markii Kombiyuutarkayga uu ku soo dul dhacay Jiir yar”.

Sidoo kale Suxufiyiintii kala duwaneyd ee ku sugnaa goobtaasi ayaa baraha bulshada aad ugu qaadaa dhigay dhacdadaasi cajiibka aheyd.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply