SOMCABLE

Maraykanka: Haweenay Si Naxariis Darro Ah Ula Dhaqantay Xayawaan Oo Lagu xukumay xadhig muddo Dheer Ah !

Maxkamad ku taalla Magaalada Coachella ee Gobolka California ee dalkaasi Maraykanka ayaa haweenay u dhalatay dalkaasi ku xukuntay xadhig muddo dhan hal sano.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Deborah Sue ayaa qiratay eedaymaha loo soo jeediyay eedaymahaasi oo ah in ay falal arxan darro ah kula kacdo noocyo ka mid ah xayawaanada dalkaasi ku nool.

Xukunka xadhiga ah ee haweenaydan 59 jirka lagu xukumay ayaa sidoo kale waxa weheliya shaqo ay u qabanayso bulshada oo ay qaban doonto muddo 90 maalmood ah iyo sidoo kale in muddo 7 bilood dusha lagaga ka socdo.

Haweenaydan ayaa la qabtay xilli ay lix bisadood oo yar yar isla markaana jiray muddo saddex maalmood ay ku riday bac kadibna ay ku tuuraysay goob qashinka lagu gubo oo heerkulkeedu aad u sareeyo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply