SOMCABLE

Maraykanka: Haweenay Dhakhtarka U Tagtay Si Looga Daweeyo Xanuun Kelyaha Ah, Balse Ummushay Saddex Carruur Ah Oo Mataano Ah !

Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka ayaa waxa ay tegtay dhakhtarka waxa aanay dhakhtarka u tagtay in laga daweeyo xanuun ay filaysay in uu kelyaha ka hayo isla markaana waxa ay aamintay in ay kelyaha kaga jiraan dhagaxaan.

Haweenaydan ayaa waxa  magaceeda la yidhaahdaa A’an Danier Gelte’s waxa aanay sheegtay in aanay marnaba dareemin uurka saddexdaasi mataanaha ah ee ay dhashay.

A’an ayaa hore u dhashay laba carruur ah waxa aanay sidoo kale sheegtay in aanay haba yaraatee aaminsanayn in ay ku jirto toddobaadkii 34 ee uurkeeda.

Saddexda mataanaha ee ay dhashay A’an ayaa ku dhashay muddo afar daqiiqo ah waxa aanay dhakhaatiirtu sheegeen in ay xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply