SOMCABLE

Maraykanka : God Ku Yaalla Badhtamaha Magaalada Miami Ee Dalkaasi Oo La Ogaaday In Loo Maro Bangi !

Badhtamaha Magaalada Miami ee Gobolka Florida ayaa waxa laga helay God, waxaana godkaasi la ogaaday in loo adeegsado arrimaha budhcadnimada ah waxaanu godkaasi si toos ah u galaa Bangi ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Godkan ayaa waxa uu ku yaalla Waddada Flamingo oo ku taalla xaafada Pambroke Pines ee galbeedka magaaladaasi, mid ka mid ah dadka degan xaafadaasi ayaa waxa uu ku war galiyey Hay’adda hormarinta waddooyinka in waddadaasi uu god ka qodan yahay.

Intaasi kadib, Afhayeen u hadlay ciidammada oo magaciisa la yidhaahdo Micheal Leverock ayaa waxa uu sheegay in dhererka godkaasi uu dhan yahay 45 Mitir waxaanu sheegay in godkaasi ay ka heleen Injiin yar iyo baabuur yar, waxa kale oo uu sheegay in godkaasi aanu si dhakhso ah loo qodin ee dhawr bilood lagu qoday.

Sidaana waxa lagu baahiyey Miami Herlad Oo wargeyska Himilo ka.soo xigtay In Bangigan oo Magaciisa La yidhaa Chase Bank aanay madaxdiisu haba yaraate ka hadlin arrinta la xidhiidha godkaasi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply