SOMCABLE

Maraykanka: Diyaarad Ku Calaqantay Kaniisad Dusheed Kadib Markii Xadhkaha Laydhku Qabsadeen !

Magaalada NewYork ayaa waxa hadheeyay darruuro aad u badan maalintii Axada ee taariikhdu aheyd 14kii bishani aynu ku jirno ee April waxa aanay darruuraha sababeen in diyaarad yar oo saddex qof siday ay ku callaqantay Dhisme Kiniisadeed dushii.

Sida ay baahisay Saxaafada The NewYork Times ee ka soo baxda Dalkaasi Maraykanka Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay diyaaradan ayaa waxay isku dayday inay soo caga dhigato lix jeer, balse nasiib darro umay suurta galin markii toddobaad ayaa waxa ay ku dhacday dhisme kiniisad ah dushii waxaana nasiib wanaag badbaadiyey xadhkaha laydhka ee kiinasadaasi.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Cessna 172 ayaa waxa saarnaa duuliyaha diyaaradaasi iyo laba qof oo kale waxa aanay ciidammada Magaaladaasi sheegeen in dhammaantood saddexdaasi qof ay nabad qabaan oo wax dhibaato ahina aanay soo gaadhin, diyaaradii ayaa sidoo kale laga soo dejiyay halkii xadhkihii laydhka ee qabtay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply